Xasaasiyada Cuntada – Food Allergy
Xasaasiyada cuntada - Food allergy waa xaalad caafimaad oo khatara, oo saamaysa malaayiin carruur ah oo ku nool dunida dacaladeeda. Cudurkan wuxuu ku bilaabmaa difaaca jirka oo qaldama. Maadaama shaqada difaaca jirku ay ahayd inuu jirka ka difaaco jeermisyada Baakteeriyada iyo Viruska, ayuu jirku u maleeyaa noocyo cunto ah barootiino ku jiraa inay jeermis yihiin, dabadeedna barootiinadaas si khalad ah ayaa loola diriraa.
Si ka duwan xaaladaha kale ee cunto dhibsiga ah, cudurkaan waxaa kacsha nooc lid-jireed ah oo la yiraahdo immunoglobulin E, oo shaqadoodu tahay inay sii daayaan dheecaanka Histamine iyo kiimikooyin kale oo kacsha calaamadaha jawaab-celinta alleerjiga.
Maxaa ka mid ah cuntooyinka xasaasiyada carruurtu ka qaadi karto.
Inkastoo qofba nooc cunto ah oo xasaasi ama a...