Sunday, November 10
Shadow

Maqaarka

Nabraha maqaarka Carruurta

Maqaarka
Nabraha maqaarka carruurta ka soo daata waa kuwa bilaaban kara dhalashada ilmaha ka dib ilaa noloshiisa. Sideedaba faruuracu(Rashes) waa jawaab-celin jirku ka bixinayo dhib ama kiimiko jirka dibada uga timid sida daawo ilmuhu xasaasiyad ka qaaday, cayayaan qaniinay ama jeermis(fayras, baakteeriya, fungus) soo gaaray maqaarka ilmaha. Calaamadaha maqaarka carruurta kasoo muuqda waalidiinta waxaa u fiican inay fiiro u yeeshaan si ay u kala ogaadaan calaamadaha ama faruuraca muujiya jirrooyin khatar ah. Tusaale ahaan,  barar maqaarka ah oo xasaasiyad keentay oo saameeyay qayb badan oo maqaarka waxaa laga yaabaa inuu keeno shoog nolosha ilmaha khatar galin kara. Marka la arko calaamadaas bararka xajiinta leh ee barariyay maqaarka waxaa fiican in ilmaha la tuso dhaqtarkiisa. Noocyada Farruurac...

INJIRTA TIMAHA GASHA

Maqaarka
Waalidiin badan ayaa ka qajila haddii ilmahooda madaxyadooda lagu arko in injiri gashay. Laakiin welwel badan in la qaado ma fiicna,  waayo injirtu ma gudbiso cudduro kale oo aan ka ahayn inay ilmaha ku rido cuncun madaxa ah oo laga yaabo in xoqitaanka badani u keeno in madaxu nabro yeesho ama infakshin ku dhaco dhalada ilmaha. Xigmada saxda ah waa markiiba in la daaweeyo ilmaha lagu arko calaamadaha injirta. Injirtu waa cayayaan dul-ku-noole ah oo malko ka dhigta timaha. Waxay injirtu dhuuqdaa oo dheefsataa dhiigga binu-aadamka.  Carruurta jirta 3 ilaa 12 sanno ayay dhacdaa inay ku dhalato timaha madaxooda.  Injirtu waxa kale oo ay gali kartaa dharka ilmaha yar yar.  Inta badan injirtu waxay haleeshaa gabdhaha maadaama gabdhaha inta badan timo dheer ay la baxaan. Meerto nololeed...

Gubashada iyo carruurta

Maqaarka
Carruurtu dabiiciyan waa kuwo khabaar-doon ah,  oo sahaminaya wax kasta oo indhahooda ku dhaca. Doonista khabaardoonka ah waa mid dabiici ah oo binu-aadamka oo dhan dabeecad u ah,  ee kuma koobna carruurta oo kaliya. Shay kasta oo gacantoodu gaarto waxay jecelyihiin inay laacaan oo ka wardoonaan. Taas ayaa keenta in carruurtu xitaa dab qaxmaya ay gacmaha gashadaan.  Waalidiinta waxaa looga baahan yahay taxadar dheeraad ah isla marka ilmahoodu gaaraan inay dhaqaaqaan. Gubashada carruurtu waa shilalka ugu badan ee carruurta soo gaara xilliga carruurnimada,  oo ay muhiim tahay in la ilaaliyo maqaarka ilmaha oo aad ugu nugul waxyeelada ay gubashadu keento. Qaar ka mid ah gubashooyinku waa kuwa khatartooda yar tahay oo guryaha lagu maarayn karo, qaarna waa gubasho baaxad leh oo ay tahay in ...

Busbus – Chickenpox

Maqaarka
Cuddurka Busbus - Chickenpox waa cuddur ku dhaca maqaarka,  oo uu keeno nooc Fayras ah oo la yiraahdo Varicella zoster.  Inkastoo uu ku dhici karo dadka waawayn, haddana inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta ka yar 15ka sanno. Waxaa lagu kala qaadaa hawada oo uu galo fayraskii marka qof qaba busbuska uu qufaco ama hindiso, dabadeedna qof fiyoobi hawadii fayrasku la socday neefsado. Cuddurka busbusku waa cuudur aad la isagu gudbiyo,  oo marka uu jirka soo galo labo maalmood ka dib calaamadihiisu ilmaha ka soo muuqdaan. Ilaa shan beri ka dibna waxaa ilmaha ka soo daata nabraha uu caanka ku yahay,  oo ah faruurac yar yar oo afka biyo ku wata, lehna cun cun saa'id ah. Busbusku waa jirro iskeed u tagta oo difaaca jirku ku filan yahay, wuxuu ilmaha hayaa ilaa 10 cisho. Sida qaalibka ah hal ...

Is-nadaamis – Scabies

Maqaarka
Cuddurka is-nadaamiska waa cuddur aad la isagu gudbiyo oo leh cun-cun iyo xajiimood badan. Waxaa keena dullin yar oo boodada oo kale ah,  laakiin il-ma-aragtay ah,  lana yiraahdo Sarcoptes scabiei. Dullinka keena is-nadaamiska waxay ku nooshahay maqaarka aadamiga oo ay godod ka qodato meelaha laalaabka jirku ka yahay sida faraha dhexdooda iyo kil-kilaha. Is-nadaamisku waa dullin 8 lugood leh, jir wareegsan leh oo ay adagtahay in isha aadamigu aragto. Is-nadaamisku marka nooca dhedig qaangaarto waxay qodotaa maqaarka, halkaas oo ay ugxan ku dhasho. Cuddurkaani wuxuu ku gudbaa marka ay timaado taabasho toos ah oo maqaarku maqaar kale la yeesho. Qofkastaa waa qaadi karaa is-nadaamiska.  Carruur, ciyaalka kurayda ah iyo dadka waawaynba way u nugul yihiin inay qaadaan cuddurkaan. Inta...

Impetigo

Maqaarka
Impetigo waa cuddur aad u fida oo ku dhaca maqaarka carruurta inta badan da'doodu u dhaxayso 2-6 sanno.  Inta badan wuxuu ku dhacaa agagaarka afka, sanka, qoorta iyo dusha sarre. Waxaa kale oo ay ku dhici kartaa gacmaha iyo lugaha. Cuddurkaan waxaa keena inta badan labo nooc oo baakteeriya ah oo la kala yiraahdo  streptococcus pyogenes  iyo Staphylococcus aureus. Impetigo waxaa lagu kala qaadaa taabashada qof jirkiisa ay baakteeriyadu joogto iyo marka carruurtu wadaagaan boombalooyinka, shukumaanada iyo qalabka isboortiga. Marka jirka ay xagtini gaarto ama cayayaan qaniino baakteeriyadu waxay fursad u helaysaa inay gasho maqaarka meeshii uu ka dhaawacmay. Dabadeed, maqaarka wuxuu yeeshaa nabro biyo galleen ah oo caabuqa, kadibna dilaaca oo yeesha malax iyo qolof  inta badan u eg midabk...

Canbaarta – Ringworm

Maqaarka
Canbaartu waa cuddur aad u faafa oo ku dhaca maqaarka carruurta inta badan ka wayn labo sanno. Cuddurkaan sida dad badani aaminsan yihiin ma keenaan gooryaamadu.  Magaca laatiiniga ah waxaa loogu yeeraa Ringworm oo macnaheedu yahay gooryaankii wareegsanaa. Magacaasi wuxuu ku yimid  marka canbaartu haleesho maqaarka ayay waxay ka  samaysataa ooggada qaab goobaabin oo kale ah. Cuddurkaan waxaa keena jeermiga il-ma-aragtayga ah ee lagu magacaabo Fungus. Jeermigaani ma weeraro ooggada jirka kaliya ee wuxuu haleelaa xubnaha kale ee maqaarka sida cidiyaha, lugaha iyo timaha iyo madaxa dushiisa. Calaamadaha lagu garto canbaarta Calaamada ugu horaysa ama uga wayn ee canbaarta waa iyadoo ilmahu yeesho finan ama nabaro canbaareed inta badan goobaaban oo leh qolof khafiifa, Goobaabinta canba...