Tuesday, December 3
Shadow

Maskaxda – Darreemayaasha

Madaxwaynaadka ama Hydrocephalus

Maskaxda - Darreemayaasha
Madaxwaynaad ama hydrocephalus waa dhibaato caafimaad oo carruurta yar yar madaxa ama maskaxda kaga dhacda. Magaca hydrocephalus wuxuu ka soo jeedaa eray Gariig ah oo ah Hydro oo macnaheedu yahay biyo iyo cephalus oo macnaheeda yahay madaxa. Macnaha erayga marka la isku kabo wuxuu soomaali ahaan ku noqonayaa Madax-biyood. Cuddurkaan wuxuu u dhacaa farsamo ahaan marka dheecaanka maskaxda iyo arxaanka ee la yiraahdo cerebrospinal fluid uu dheeraad noqdo oo uu waayo meel uu ka dareero oo uu ka baxo. Dheecaanka shaqadiisu waa inuu nafaqeeyo oo haddana mayro maskaxda. Dheecaankan waxaa lagu sameeyaa khaanadaha maskaxda. Waxaa jira godad yar yar oo ku yaala maskaxda dhexdeeda oo dheecaankani marka uu wasakhoobo uu ka dareero. Haddii gododkaas xirmaan ama ilmuhu ku dhasho iyaga oo xiran wax...
MENENGITIS

MENENGITIS

Maskaxda - Darreemayaasha
Menengitis waa marka caabuq baakteeriyaad ama fayras uu ku dhaco xuubka Menenjes, ee ku dahaaran maskaxda iyo laf-dhabarta(spinal Cord).  Caabuqa waxaa keena marka baakteeriya ama fayras u gudbo maskaxda iyo darreen-wadayaasha joogga laf-dhabarta. Menengitis marka ay keento Baakteeriyadu waa dhif,  waana cuddur halis ah oo khatar galin kara nolosha qofka haddii aan si degdeg ah loo daawayn markiiba, Haddii uu keeno menengitiska fayraska inta badan waxay u muuqdaan calaamaduhu sida hargabka oo kale, sida kan baakteeriyadana khatar uma ahan. Menengitisku wuxuu ku gudbaa marka qof qaba jeermiska uu qufaco ama hindhiso oo ay hawada galaan dhibco uu ku laran yahay jeermigii. Haddii qof caafimaad qabaa neefsado hawadaas wasakhaysan wuxuu qaadi karaa Menengitis. Noocyada jeermiyada e...

Qallalka – Epilepsy

Maskaxda - Darreemayaasha
Qallalka ama Epilepsy waa cuddur maskaxda ku dhaca, kaas oo ay maskaxdu si elektarik maanso ah u dirto fariimo badan oo aan caadi ahayn. Fariimahaasi waxay ku safraan neerfayaasha jirka,  kuwaas oo ruxa murqaha jirka oo dhan. Kadib, waxaa yimaada in qofku suuxo oo uu joogga ka dhaco. Farriimahaas maansada wataa waxay joojiyaan darreenkii miisaanaa ee jirka. Waxaa qofka ku yimaada inuu miyirbeelo, suuxo, afka ubur ka sii daayo oo xitaa mararka qaarkood saxaro ama kaadi ka fakato. Qalalku wuxuu socdaa muddo yar oo sekano ama daqiiqado ah, dadka qabana ma xukumi karaan jirkooda marka qalalku jiro. Haddii cunnugu hal mar oo kaliya uu qalalay ama suuxay lama oran karo waa qalalaa ilmahaasi, laakiin haddii ilmahu mar ka badan qalalay waa lagu tilmaami karaa qalaloow. Inta badan qalalku ...