Wednesday, May 27
Shadow

Cuddurada

Leukemia ama kansarka dhiigga

Qanjirada marin la' / Dhiigga
Leukemia waa kansarka dhiigga ku dhaca. Kansarkaani wuxuu ka biloowdaa dhuuxa lafaha dhexdooda ku jira. Dhuuxu waa nudayaasha laga sameeyo unnugyada dhiigga. Qofka caafimaadka qaba dhuuxa dhexdiisa waxaa lagu sameeyaa: White blood cells:  oo ah unugyada cad-cad ee dhiigga. Unugyada cad-cadi waxay jirka ka difaacaan jeermisyada cuddurada keena. Red Blood cells:  oo ah unugyada cas-cas ee dhiigga. unugyada cas-casi waxay jirta oo dhan u xanbaaraan ogsijiinta. Platelets:  oo ah unugyada xinjiraynta dhiigga.   Marka qofku qabo Leukemia ama kansarka dhiigga dhuuxu wuxuu si qaldan u sameeyaa unugyo cad-cad oo tiro badan oo qaab-daran.  Unugyadaasi si aan kala go' lahayn ayay u samaysmaan iyadoon loo baahnayn. Unugyadaas kansarka ahi ma qabtaan shaqadii ay ahayd inay qabtaan

Down Syndrome

Jirrooyinka Dhaxalka/lagu dhasho
Cuddurkaan Down Syndrome waxaa markii ugu horaysay sharaxay oo loogu magacdaray dhaqtar Ingiriis ahaa oo la oran jiray John Langdon Down sannadkii 1866dii. Cuddurkaan waa cuddur lagu dhasho oo ka yimaada marka dhaxal-sidayaasha ama Koromosoomada waalidiinta u gudbiyaan tafiirtooda ay si khalad ah u qaybsamaan. Staatikis ahaan 700 ilmood oo dhalata hal cunnug ayaa ku dhasha Down syndrome. Dabiiciyan marka ilmuhu abuurmayo wuxuu aabihiis bixiyaa 23 koromosoom ama hidde-side oo shahwada la socda, halka hooyaduna dhiibto 23 koromosoom oo ugxanta la socda. Marka ay isku bacrimaan shahwada iyo ugxanta ayaa waxaa soo baxa unnug aadami ah oo ka samaysan 46 koromosoom ama hidde side ilaa ilmuhu uurka dhexdiisa uu koroyo oo uu noqonayo qof dhamaystiran oo bilaayiin unnug ka samaysan. Cuddurkaa...

Madaxwaynaadka ama Hydrocephalus

Maskaxda - Darreemayaasha
Madaxwaynaad ama hydrocephalus waa dhibaato caafimaad oo carruurta yar yar madaxa ama maskaxda kaga dhacda. Magaca hydrocephalus wuxuu ka soo jeedaa eray Gariig ah oo ah Hydro oo macnaheedu yahay biyo iyo cephalus oo macnaheeda yahay madaxa. Macnaha erayga marka la isku kabo wuxuu soomaali ahaan ku noqonayaa Madax-biyood. Cuddurkaan wuxuu u dhacaa farsamo ahaan marka dheecaanka maskaxda iyo arxaanka ee la yiraahdo cerebrospinal fluid uu dheeraad noqdo oo uu waayo meel uu ka dareero oo uu ka baxo. Dheecaanka shaqadiisu waa inuu nafaqeeyo oo haddana mayro maskaxda. Dheecaankan waxaa lagu sameeyaa khaanadaha maskaxda. Waxaa jira godad yar yar oo ku yaala maskaxda dhexdeeda oo dheecaankani marka uu wasakhoobo uu ka dareero. Haddii gododkaas xirmaan ama ilmuhu ku dhasho iyaga oo xiran wax

Kansarka carruurta ku dhaca

Cuddurada dilaaga ah
Kansarku wuxuu ka bilaabmaa unugyada jirka oo ah aasaaska nolosha binu-aadamiga. Jirka aadamigu wuxuu u baahan in la sameeyo unugyo cusub marka baahi timaado. Unugyada jirka aadamiga waxay ka kooban yihiin bilaayiin iyo bilaayiin unug oo leh cimri qiyaastii afar billood ah. Unug kasta marka uu gaboobo waa la badalaa oo waxaa la sameeyaa unug cusub. Mararka qaarkood habka samaynta unugyada cusub ayaa qaldama oo waxaa la sameeyaa unugyo aan loo baahnayn ama unugyadii gaboobay oo ay ahayd in la badalo ayaa tagi waaya.  Unugyada kansarka waxay caan ku yihiin inay u samaysmaan si qaabdaran oo xadka ka baxsan, waxay leeyihiin xajmi ka duwan kuwa caadiga, waxay baabi'iyaan oo ku fidaan unugyada fiyoow ee dariska la ah. Marka ay sii bataan unugyada kansarku waxay cunaan in badan oo nafaqadii

Gubashada iyo carruurta

Maqaarka
Carruurtu dabiiciyan waa kuwo khabaar-doon ah,  oo sahaminaya wax kasta oo indhahooda ku dhaca. Doonista khabaardoonka ah waa mid dabiici ah oo binu-aadamka oo dhan dabeecad u ah,  ee kuma koobna carruurta oo kaliya. Shay kasta oo gacantoodu gaarto waxay jecelyihiin inay laacaan oo ka wardoonaan. Taas ayaa keenta in carruurtu xitaa dab qaxmaya ay gacmaha gashadaan.  Waalidiinta waxaa looga baahan yahay taxadar dheeraad ah isla marka ilmahoodu gaaraan inay dhaqaaqaan. Gubashada carruurtu waa shilalka ugu badan ee carruurta soo gaara xilliga carruurnimada,  oo ay muhiim tahay in la ilaaliyo maqaarka ilmaha oo aad ugu nugul waxyeelada ay gubashadu keento. Qaar ka mid ah gubashooyinku waa kuwa khatartooda yar tahay oo guryaha lagu maarayn karo, qaarna waa gubasho baaxad leh oo ay tahay in

Gogol-qoynta – Isku kaadinta ilmaha

Cuddurada
Gogosha ilmaha iyo dharkiisa oo qoyan,  ilmo ceebaysan iyo waalidiin xanaaqasan waa wax ka dhaca guryo badan oo qoysas ku ku nool yihiin. Waxaan meesha ku jirin in laga welwelo inaan ilmaha si fiican loogu tababarin isticmaalka musqusha ama in laga shakiyo in ilmuhu ka caajisayo inuu musqusha tago habeenimada.  Mar walba waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in gogosha oo ilmuhu ku kaadiyo habeenkii inay caadi tahay oo ay ka mid tahay korriinka ilmaha. Guud ahaan carruurta ka yar 7 sanno jir oo gogosha ku kaadiya habeenkii waa wax caadi ah,  oo weli ilmuhu uma bislaan inuu xiriirsiiyo maskaxdiisa iyo kaadi-haysta oo ah meesha lagu kaydiyo kaadida. Carruurta qaar ka mid ah marka ay afarta sanno jiraan ayay joojiyaan inay gogosha ku kaadiyaan. Haddii ilmuha ka wayn 7 sanno sariirta ku kaa

Cagaarshoow – Hepatitis

Cuddurada
Magaca cuddurkaan Cagaarshoow - Hepatitis  Soomaalidu waxay ka keentay marka beerku jirrado oo markaas cusbada Baylka(bile salts) ee ku kaydsan xameetida, ay jirka ku butaacdo oo raacdo dhiigga.  Dabadeedna,  jirka oo dhan sida maqaarka, cidiyaha iyo indhaha ay yeeshaan midabka jaallaha ama cagaarka. Laakiin,  halkaan waxaan magacaan ku lamaaninaynaa magac kale oo ajnabi ah oo ah marka beerku caabuqo, bararo oo jirado oo loo yaqaan Hepatitis.  Cagaarshoowga ama Hepatitiska waxaa keena dhawr sababood oo kala ah: Jeermisyada fayraska iyo baakteeriyada oo caabuq ku keena beerka  Dhaawac gaaray beerka oo ay keentay Sun jirka gashay. Beerka oo dhaawac ku yimaado kadib hannaanka dhiig-waraabinta beerka oo istaagta ama sahayda dhiigga oo ku yaraata. Dhaawac ama jug beerka bannaa

Ilkaha Suusa – Dental caries

Dheef-shiidka
Soomaalidu marka ilkaha ilmaha ama dadka waawaynba ay madoobaadaan, oo haddana ay bololaan waxay si masabid ah eedda u saaraan in ilkihii uu galay cayayaanka Suuska. Suusku waa cayayaan yar yar oo burburiya miraha beeraha ee kaydka ah.  Laakiin, maadaama uusan jirin magac-bixin kale oo ilkuhu markay bololaan loo yaqaan waxaan qaadanaynaa suusida ilkaha oo ay keenaan Baakteeriya iyo macaanada dabiiciga ah oo ku kulmay ilkaha ilmaha. Ilkaha oo suusa(tooth decay) waa jirro carruurta yar yar kaga dhacda ilkaha,  oo noqda kuwa bolola ama suus galo. Inta badan suusku wuxuu carruurta kaga dhacaa ilkaha kore ee afarka ah, halka kuwa hoose inta badan ka badbaadaan bololka,  waayo waxaa ilkaha hoose mar walba qooya oo difaaca candhuufta iyo dheecaanada afka. Maxaa keena bololka ilkaha carruurt
CAABUQA DHEGAHA – EAR INFECTION

CAABUQA DHEGAHA – EAR INFECTION

Sanka-Cunnaha-Dhegaha
Caabuqa dhegaha ama infectionka ku dhaca waa marka dhegta dhexdeeda ay galaan jeermisyada baakteeriyada iyo fayrasyada,  oo ay ku keenaan calaamadaha xannuunka, qandhada iyo appetite la'aanta. Inta badan carruurta oo dhan hal mar ayuu soo maraa caabuqa dhegtu inta aysan gaarin labo sanno. Sidee u dhacaa caabuqa dhegtu? Caabuqa dheguhu waa jirrooyinka ugu badan ee ku dhaca carruurta, wuxuuna u dhacaa marka ilmaha dhegta uu jeermi ka galo. Dhegtu qaab ahaan waxay u qaybsantaa 3 qaybood oo kala ah dhegta banaanka, dhegta dhexe iyo dhegta shishe. Inta badan caabuqa dhegta bannaanka kuma badno carruurta. laakiin, waxaa aad ugu dhaca dhegaha waa caabuqa dhegta dhexe oo la yiraahdo Otitis Media. Dhegta dhexe waxay ka danbaysaa durbaanka dhegta. Haddii baakteeriya ama virus gaaro dhegta dh...

Hargabka – Common cold

Neef-mareenka/Wadnaha
Hargabka ama Dureyga waa cuddur faafa oo si baahsan la isagu gudbiyo. Wuxuu ku dhacaa qaybta sare ee habdhiska neefsashada ee kala ah sanka, cunaha,iyo gododka sanka. Hargabka waxaa keena ugu yaraan labo boqol oo nooc jeermiska Fayraska ah oo kala duwan. Nooca ugu balaaran ee keena hargabka waxaa la yiraahdaa Rhinoviruses. Carruurtu wax badan bay qaadaan hargabka laakiin isla markiiba isla noocii oo durey ah ayaa ku soo noqda. Waa maxay sababtu? Waxaan sheegnay in labo boqol oo nooc oo fayras ah oo kala duwan inay keenaan hargabka, markaas haddii hadda ilmaha hargab ku dhaco cunnugu wuxuu samaysataa difaac iyo tallaal uu uga hortago in mar kale isla fayraskii jirro ku keeno.  Nasiibdarose, waxaa ilmihii haddana ku dhaca nooc kale oo Fayras ah. Hargabka waa cuddurka ugu badan ee ku dh