MALARIA – MALAARIYA
Malaariya waa cuddur ama caabuq inta badan ka dhaca meelaha cimilada kulaalayaasha dhaca sida Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika. Waxaa gudbiya cayayaanka kaneecada oo qofka marka ay qaniinto uu ku dhici karo cuddurka malaariyadu. In ka badan hal milyan oo carruur ah oo ka yar da'da 5ta sanno ayuu sannad kasta ku dilaa Afrika.
300-500 Milyan oo qof ayay dunida sanadkii malaariyadu ku dhacdaa.
Soomaaliya sida ay sheegtay Unicef Somalia bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya cuddurada ciyaalka ka yar 5ta sanno ku dhaca 8% waxaa keena malaariyada, oo ku badan gobolada wabiyadu maraan ama mar walba dhulka ay biyo fadhiyaan.
Maxaa keena Malaariyada?
Malaariyada waxaa keena ilma aragtayga jinsiyada Paarasaytka ah ee la yiraahdo Plasmodium, oo la socda candhuufta kane...