
CAABUQA DHEGAHA – EAR INFECTION
Caabuqa dhegaha ama infectionka ku dhaca waa marka dhegta dhexdeeda ay galaan jeermisyada baakteeriyada iyo fayrasyada, oo ay ku keenaan calaamadaha xannuunka, qandhada iyo appetite la'aanta. Inta badan carruurta oo dhan hal mar ayuu soo maraa caabuqa dhegtu inta aysan gaarin labo sanno.
Sidee u dhacaa caabuqa dhegtu?
Caabuqa dheguhu waa jirrooyinka ugu badan ee ku dhaca carruurta, wuxuuna u dhacaa marka ilmaha dhegta uu jeermi ka galo. Dhegtu qaab ahaan waxay u qaybsantaa 3 qaybood oo kala ah dhegta banaanka, dhegta dhexe iyo dhegta shishe. Inta badan caabuqa dhegta bannaanka kuma badno carruurta. laakiin, waxaa aad ugu dhaca dhegaha waa caabuqa dhegta dhexe oo la yiraahdo Otitis Media.
Dhegta dhexe waxay ka danbaysaa durbaanka dhegta. Haddii baakteeriya ama virus gaaro dhegta dh...