Tuesday, December 3
Shadow

Uncategorized

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

Cuddurada dilaaga ah, Uncategorized
WAA MAXAY CUDURKA CORONA VIRUS . Corona fayrus waa nooc cusub oo ah noocyada fayrasyada ah ee Corona Viruses. Cudurkaan uu keeno Corona fayraska cusub markii ugu horaysay waxaa laga ogaaday gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Hay'ada Caafimaadka ee Adduunka ayaa u bixisay Corona Virus Disease 2019 ama cudurka fayruska karoona ee soo baxay 2019. Waxaa loo soo gaabshaa COVID-19. COVID-19 waa nooc cusub oo la qoys ah noocyo kale oo Corona Virus ah oo dunidu hore u taqaanay sida kuwo hargab ama nooca SARS la yiraahdo keena. Iyada oo tirada dadka uu cuddurku ku dhacayo dunida ay sii kordhayso ayaa waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin sidii ay carruurtooda kaga badbaadin lahaayeen in cuddurku ku dhaco, Laakiin arrin laab-qaboojin u ah waalidiinta ayaa jirta: in cuddurku ilaa hadda carruurta u ladi...

Qaama-qashiir – Mumps

Uncategorized
Cudurkaan Qaama-qashiirka waxaa laatiinka lagu yiraahdaa Mumps. Af-soomaaliga wuxuu leeyahay magacyo badan, tusaale dadka qaar waxay ugu yeeraan Cuno-bacuuc. Qaama-qashiirka waxaa keena nooc fayras oo ah la yiraahdo Mumps virus. Cuddurkaani waa cuddur aad la isku qaadsiiyo oo ku dhaca carruurta. Wuxuu fayruska keena cudurkaani weeraraa qanjirada candhuufta ee la yiraahdo Parotid Glands,  ee ku yaala luqunta weliba daamanka hoose meesha ugu danbaysa. Inta badan labada qanjir ee candhuufta wuu saameeyaa fayrusku. Waxaa kale oo uu qaama-qashiirku ku dhici karaa xanniinyaha iyo ugxan-sidaha. Cuddurkaan waxaa la isagu gudbiyaa candhuuf ama dheecaan ka yimid qof qaba cuddurka oo u gudbay qof kale. Qufaca, hindhisada iyo cabitaanada/cuntada la wadaago waa la isagu gudbiyaa fayraska keena cu...