Jamaal wuxuu dareemayaa inuu musqusha tago si uu u soo saxaroodo, waayo muddo 4 beri ah ma saxaroon. Wuxuu galay musqushooda, Laakiin saxankii musqusha markii uu ku fariistay ayuu sameeyay docosho badan iyo inuu saxarada xoog isaga soo saaro. Cabaar markuu xarbiyay ayuu soo tuuray dhawr qurub oo adag oo qalalan.
Jamaal dabadeed saxaradii ayuu iska mayray, surweelkiisii xirtay dabadeedna gacmaha saabuun ku mayrtay. Weli wuxuu dareemayaa caddaadis in saxaradii aysan ka soo dhamaan. Maxay tahay sababtu? Haa. Wuxuu qabaa calool-qalayl ama saxaradiisii oo adkaatay.
Waa maxay calool-qalayl ama constipation
Callool-qalaylka carruurtu waa marka ilmuhu muddo caadiyan maalmo ah uusan saxaroon ama haddii uu saxaroodaba ay ka timaado saxaro adag oo si xanuun leh uga soo baxda malawadka. Inta badan callool-qalaylku waa calaamad joogto ah oo ilmaha oo dhan ku dhici karta, gaar ahaan marka ilmuhu u gudbayo inuu tuunji isticmaalo ama marka cunto-qaadashadiisa wax ka badalmaan.
Calaamadaha lagu garto cunnug callool-qalayl qaba
- Ilmaha oo aan saxaroon muddo dhawr maalmood ah.
- Haddii saxaro ka timaado ilmaha oo ah mid adag oo qalalan oo ilmuhu iska soo saari karin.
- Xannuun marka ilmuhu saxaroonayo.
- Callool xanuun iyo lallabo.
- Dheecaan dareere ah oo ka soo siibata malawadka oo gaara kastuumada ama dharka ilmaha. Taasi waa calaamad muujinaysa in malawadka saxaro rasaysan tahay.
- Dhiig gadduudan oo dulmarsan saxarada adag ee ilmaha ka timid.
- Matag ama hunqaaco
- Appetiteka ilmaha oo hoos u dhaca iyo dabeecadiisa oo badalanta.
Maxaa keena callool-qalaylka
- Cunto aan miisaanayn ayaa ugu wayn sababaha keena in saxarada ilmuhu adkaato. Haddii ilmaha la siiyo cunto ka kooban hilib, caano, baasto , Bariis iyo rooti, dhamaan cuntooyinkaani ma laha wax qashin ah oo jirku banaanka isaga saari karo. Sidaas awgeed saxarada yar ee cuntooyinkaas laga soo saaro waxaa lagu kaydiyaa malawadka, biyaha saxarada ku jirana jirku dib ayuu ula noqdaa. Ilaa la helayo qashin ama saxaro badana oo jirku banaanka iskaga saari karo, saxaradaas yar waxaa lagu raseeyaa malawadka. Marka halkaas saxarada ku ururto way adkaataa oo callool -qalaylka ayaa dhaca. Waxaa loo baahan yahay cuntada ilmaha la siinayo ay ku jiraan cuntooyin qolof leh ama khudaar sida digirta iyo cuntooyinka lagu daro buunshaha(Fiber) sida rootiga brown breadka.
- Jimicsi la’aanta carruurta waxay u keentaa in habdhiska dheefshiidku dhaqdhaqaaq badan waayo, halkaasna uu ka yimaado in saxaradu adkaato. Carruurta waa in lagu dhiirigaliyaa inay ciyaaraan oo jimicsi jireed sameeyaan.
- Cabitaan la’aantu waxay ilmaha ku keentaa in cuntadii la quutay aysan helin dheecaan lagu shiido oo jilciya saxarada dhexmaraysa mindhiciradda.
- Welwelka. Haddii carruurtu qabto welwel ku saabsan iskuulkooda ama dugsigooda amaba ay jirto cabsi ay ka qabaan musqusha cusub ee iskuulkooda waxaa laga yaabaa inay isku celiyaan saxarada. Haddii carruurtu ka tagaan gurigooda oo maalmo ku maqnaadaan meel kale waxaa laga yaabaa inay ka qaloodaan guryaha ay ku cusub yihiin oo ay saxarada isku celiyaan.
- Daawooyin waxaa jira keena callool-qalaylka sida Anti-acidka iyo kuwa lagu daaweeyo welwelka.
Sidee ula tacaalaa ilmo qaba callool-qalaylka
Haddii ilmahaaga aad ku ogaatay inuu qabo saxaro-adayg uma baahnid inaad daawooyin siiso. Waxaa jira fursad fiican in dhaqdhaqaaqa calooshoodu si caadi ah ku soo noqon doonto. Haku ordin markiiba inaad daawo siiso. Haddii Xaalada ilmuhu ka soo darto oo uu la yimaado matag ama callool xanuun badan u gee dhaqtar ilmaha. Waxaa jira daawooyin saxarada lagu jilciyo oo la yiraahdo laxatives. Daawooyinka saxarada jilciyaaxaa kuu qori kara dhaqtarka ama farmashiistahaaga.
- Sii ilamaha cabitaan iyo biyo badan si saxaradu u jilicdo.
- Sii ilmaha cunto qolof/buunshe leh sida khudaarta, digirta ,saloolka iyo mushaalida.
- Isku day in saliidaha cuntada lagu karsado ay ku jiraan saliid macsarada iyo saliid oliifada(olive oil).
- Ku dhiirigali carruurtu inay ciyaaraan oo bood-boodaan sida orodada, kubada cagta, baaskiilka IWM. Ogoow marka jirku dhaqdhaqaaq sameeyo calooshuna waa dhaqdhaqaaqdaa.