WAA MAXAY CUDURKA CORONA VIRUS .
Corona fayrus waa nooc cusub oo ah noocyada fayrasyada ah ee Corona Viruses. Cudurkaan uu keeno Corona fayraska cusub markii ugu horaysay waxaa laga ogaaday gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Hay’ada Caafimaadka ee Adduunka ayaa u bixisay Corona Virus Disease 2019 ama cudurka fayruska karoona ee soo baxay 2019. Waxaa loo soo gaabshaa COVID-19.
COVID-19 waa nooc cusub oo la qoys ah noocyo kale oo Corona Virus ah oo dunidu hore u taqaanay sida kuwo hargab ama nooca SARS la yiraahdo keena.
Iyada oo tirada dadka uu cuddurku ku dhacayo dunida ay sii kordhayso ayaa waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin sidii ay carruurtooda kaga badbaadin lahaayeen in cuddurku ku dhaco, Laakiin arrin laab-qaboojin u ah waalidiinta ayaa jirta: in cuddurku ilaa hadda carruurta u ladifan yahay. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda si baahsan looma oga sida uu fayrusku ula kala dhaqmo dadka waawayn iyo carruurta.
Ilaa hadda waxaa socda cilmi-baarisyada ku saabsan cudurkaan CONVID-19. Halkaan hoose waxaan ku taxaynaa waxa ilaa hadda aan ka naqaan cuddurkaan:
SIDEE CUDURKA COVID-19 KU GUDBAA ?
Dadku waxay Corona Virus ka qaadaan dadka qaba fayruska ama cudurka. Tani waxay dhacdaa marka qof qaba cuddurka uu hindhiso ama qufaco oo hawada u diro dhibco uu fayrusku la socdo. Dhibcahaas fayruska ah ayaa ku degi kara afka, sanka iyo indhaha qof ka ag dhaw ama waa la neefsan karaa hawadii fayruska wadatay. Dadku sidoo kale waxay waxay cudurka ka qaadi karaa meel ama dul ay saaran tahay jeermiga Corona oo gacantu taabato oo markaas qofka afkiisa, sankiisa iyo indhihiisa ku taabto.
Khuburadu weli ma ogaan in fayruska Corona uu ku gudbo marinka saxarada iyo afka iyo in kale.
QOF QABA CUDURKA CORONA VIRUS (COVID-19) MA GUDBIN KARAA CUDDURKA ISAGA OO AAN LAHAYN CALAAMADAHA CUDDURKA ?
Cuddurka waxaa si fudud la isagu gudbin karaa marka qofka calaamadaha cuddurku kasoo muuqdaan. Calaamaduhu qofka waxay kasoo baxaan marka uu galo jirkiisa 2-14 beri ka dib.
ILMAHAYGU MA U NUGUL YAHAY COVID-19?
Khuburada caafimaadku weli daraasayn bay ku hayaan cuddurka, laakiin waxay u muuqataa inuu carruurta u ladifan yahay marka loo fiiriyo dadka waawayn iyo dadka qaba cuddurada sonkorta iyo kuwa wadnaha, sambadabada ku dhaca.
WAA MAXAY CALAAMADAHA CUDDURKU ?
- Calaamadaha cuddurku waa:
- Qufac weliba mid qalalan
- Qandho sare
- Hindhiso
- Neef-qabatin
WAA MAXAY CALAAMADAHA AY TAHAY INAAD ISHA KU HAYSO ?
Guriga ayaad ku daawayn kartaa calaamadaha yaryar sida qandhada ilmaha oo kale. Haddii qandho ilmaha qabato ku daawee Paracetamol. Daawada Ipubrufen waa mamnuuc oo lama siiyo qof qandho fayrus hayso, gaar aahaan cuddurkaan Convid-19.
Haddii aad calaamadahaan hoose ilmaha ku aragto ula carar gaargaar goob caafimaad.
- Qandho sare oo aan la dejin karin
- Hurdo aan caadi ahayn
- Neef-qabatin ama neeftuur
- Midabka jirka, bishimaha oo baluug isku badala.
- Ilmaha oo joojiya cunista iyo cabista.
- Calaamadaha fuuqbaxa.
YAA XIRAN KARA AF-DUUBKA (FACE MASKS )
Waa inaad xirataa af-duubka haddii:
- Haddii aad daryeelayso qof qaba ama looga shakiyay cudurka COVID-19
- Haddii aad qufacayso ama hindhisayso si aadan dadka kale cudurka ugu gudbin.
- Haddii adiga cuddurka lagaa helay ama filayso inuu kugu dhacay.
- Haddii aad tahay adeege caafimaad.
MAXAAN SAMEEYAA HADDII QOYSKAYAGA MID KA MID AH UU HALEELO CUDURKA COVID-19?
Calaamadaha CONVID-19 waa qandho, qufac, hindhiso iyo Neef-qabatin. Haddii calaamadahaas ay yimaadaan u carar isbitaalka kuugu dhaw, ama dhakhtarkaaga u waco.
MAXAAN KAGA HORTAGI KARAA CUDDURKA CONVID-19?
- Nadaafad guud ee jirreed.
- Haddii ay muhiim tahay meelaha dadku ku badan yahay ka fogow.
- Taabashada labo qof dhex marta sida salaanta gacanta oo kale cuddurku wuu ku gudbaa.
- Gacmaha oo mar walba biyo iyo saabuun lagu dhaqo waa ka hortaga ugu wanaagsan.
- Daawada jeermi-tiraha ee gacmaha la marsado waxay dishaa jeermiga gacmaha soo raaca.
- Carruurtaada bar sida gacmaha loo mayro.
- Hay’ada caafimaadka ama dowlada dalkaaga la soco fariimaha joogtada ah ee ku saabsan cuddurka Convid-19.
HABKEE LOO DAAWEEYAA CONVID-19 AMA CORONA VIRUS
Xilligaan la taagan yahay ma jirto daawayn lagula tacaalo cuddurkaan. Sidoo kale ma jiro tallaal lagaga hortago. Inta badan dadka uu ku dhaco Convid-19 oo ay ku jiraan carruurtu iskood bay uga buksoodaan kadain marka ay nashaho guriga ku helaan. Dadka adka ugu xannuunsada waxaa la dhigaa isbitaal si loo siiyo fuuq-celiye, ogsijiin iyo qandho-jabiye. Daawooyinka Anti-biotiga waxba kama taraan Convid-19 waayo cuddurka waxaa keena fayrus.