Ma jiro muuqaal ka fiican ilmahaaga oo dhabta kuu saaran, baaquli cunto ah oo aad u soo diyaarisay gacanta kuugu jiro, qaado yar oo le’eg afka ilmaha baaquliga dhextaal, dabadeed cuntadii qaadada aad ku qaadid oo ilmaha afkiisa la galiyo. Qaar ka mid ah cuntada dhabtaada ku daadatay, qayb ka mid ah ilmuhu muudsado,xooggaa kale oo cuntadii ka mid ahina ilmuhu afkiisa iyo wajigiisa uu mariyo.
Carruurta oo cunto adag lagu bilaabo waa fan, ciyaar iyo hawl ku saabsan cuntada oo ku halowda dharkaaga iyo ilmaha wajigiisa. Muuqaalkani waa muhiim, waayo wuxuu cadaynayaa in ilmahaagu soo gaaray heer korriin oo muhiim ah, oo ah in ilmihii bilaabay inuu cuntada sida qof caadi ah cunno.
Carruurta yar yar dhaqaatiirta dhallaanku waxay ku taliyaan in cuntada loo bilaabo marka da’doodu soo gaarto 6 billood, Laakiin su’aalo ayaa ka horeeya inta aadan ilmaha u bilaabin cunto-siinta:
Sidee ku ogaanayaa in ilmahaygu u diyaar yahay cunto qaadashada?
Waxaa jira calaamado muuqda oo ku tusinaya in ilmuhu diyaar u yahay inuu cunto bilaabi karo waxaana ka mid ah:
- Maamulida madaxa: Ilmuhu waa in uu madaxiisa si toos ah u maamuli karaa oo uu si toos ah u dheelitiri karaa
- Maamulida carrabka: Waa in ay istaagtaa in ilmuhu cuntada iska soo saaro ama tufo isagoo isticmaalaya carrabka
- Fadhiga: ilmuhu waa inuu si haggaagsan u fariisan karaa xitaa haba la caawiyee si ay u sahlanaato wax liqistu
- Calaliska: ilmaha yari waa inuu awoodaa dhaqdhaqaaqa calaliska oo ah in ay wada shaqeeyaan habdhiska dheefshiidka iyo carrabka oo cuntada aakhirka loo riixi karaa dhinaca hungiriga madoow. Ilmaha u bislaaday calaliska iyo liqida waxaa lagu gartaa inuu yaraado cayga afka ilmaha ka dareeri jiray. Cayga dareera waxaa kale oo keena marka ilkuhu soo baxayaan.
- Appetiteka ilmaha: Ilmaha gaaray cunto qaadashada waxaa lagu gartaa appetitekiisa oo kordha oo caanahu gaajada ka bi’in waayaan
- la raamsiga waalidka: waa marka ilmuhu isha la raacaan marka hooyadu cunto ku ag cunto cunnugeeda oo uu mararka qaarkood ku qabsado qaadada cuntada lagu cunayo.
Sidee cuntada adag ugu bilaabaa cunnugayga?
Ma jiro xeer u degan nooca cunto ah ee ugu horeeya oo ilmaha lagu bilaabo. Sida caaddada ah carruurta waxaa loo bilaabaa hal nooc oo cunto ah. Inta badan waxaa lagu bilaabaa mushaali firaley ah sida mesagada, bariiska iyo serelaakaha. Waxaa kale oo la siin karaa bataato, moos ama bocor la shiiday.
Marka ugu horaysa nuuji ilmaha naaska ama caano ku sii masaasada, dabadeed ka jooji nuujinta inta ilmuhu uusan dhargin. Haddii aad goosato inaad ku bilowdo mushaalida Cerelac, diyaarso qadar mushaalidii ah oo lagu qasay biyo qandac ah.
Marka ugu horaysa fooda qaadada ku qaado qadar mushaali ah oo dhadhansii ilmaha, dabadeed haddii uu macaansado sii dhawr qaado oo kale oo mushaali ah. Hadda muhiim ma ahan inuu ilmuhu mushaali badan cunno ee waxaa muhiim ah in la baro cunt0-qaadashada iyo dhadhanka cuntada.
Ha isku dayin inaad mushaalidii masaasad intaad ku qasto aad nuujiso ilmaha, waayo weli ilmuhu wuxuu u malaynayaa inuu caano cabayo. Ku bilow marka ugu horaysa maalintii hal mar in cunto la siiyo ilmaha. Qaar ka mid ah carruurta waxay u baahan yihiin la-qabsasho liqida cuntada muddo dheer.
Haddii ilmuhu isku liiciyo kursigiisa ama dhabtaada ama uu la ciyaaro qaadada lagu quudinayo amaba uu carrabka ka hor keeno qaadada macnaheedu waxa weeye waan dhargay ee iga jooji cuntada.
Ma u baahanahay inaan ilmaha u sii wado naaska ama masaasada?
Haah. Ilmuhu wuu u sii baahanayaa caanaha naaska iyo kuwa la diyaariyay ee masaasada ilaa inta uu ugu yaraan ka gaarayo hal sanno. Waxaa caanaha naaska ku jira nafaqooyin badan oo muhiim ah oo uusan cuntada kaliya ka helayn.
Meeqa jeer baan ilmaha cuntada adag ku quudin karaa maalintii?
Marka ugu horaysa ilmuhu maalintii hal mar ayuu u baahan yahay in cunto adag la siiyo. Marka uu gaaro 6 -7 billood wuxuu u baahanayaa in la quudiyo labo jeer maalintii. Carruurtu marka ay gaaraan 8 billood ayay u baahan yihiin sida dadka waawayn in maalintii 3 jeer cunto adag la siiyo.
Cuntada iyo xasaasiyada
Carruurta yar yar ee cuntada lagu bilaabayaa waxay u baahan yihiin in laga taxadaro nooca cunto ah ee lagu bilaabayo. Tusaale ahaan cuntooyinka dadka qaar ka qaadaan xasaasiyada waxaa ka mid ah ukunta, kalluunka, loowska. Maahan taas macnaheeda in lagala cararo carruurta cuntooyinkaan ee waa in la taxadaro. Waa in la baaraa in waalidiinta ilmaha iyo qoyska intiisa kale qof ka mid ahi xasaasiyad ku qabo nooc cunto ah.
Ha siin ilmaha ka yar halka sanno malab waayo malabka waxaa ku jirta nooc baakteeriya ah oo ilmaha yar yari sumoow khatar ka qaadaan.
[…] Xagga cuntada adag ilmuhu inta badan nafaqada waxuu ka helaa caanaha naaska ama Caanaha la diyaariyay ee carruurta, laakiin wuxuu u baahan yahay in loo diyaariyo cunto-cunista. […]