Cuddurka dabaysha waa cuddur la is-qaadsiiyo ah oo dilaa ah, kuna dhaca inta badan carruurta ka yar 5ta sanno. Waxaa keena nooc fayras ah oo la yiraahdo Poliovirus oo weerara habdhiska darreen-wadayaasha ee jirka. Wuxuu naafayn karaa ama dili karaa ilmaha saacado yar gudahood, waayo wuxuu naafayn karaa murqaha neef-mareenka ilmaha.
Fayraska keena dabaysha wuxuu jirka kasoo galaa afka iyo sanka marka wasakh uu la socdo jeermigu la dheefsado ama la neefsado, dabadeed wuxuu degaa mindhicirada, oo uu halkaas ku tarmo ilaa uu gaaro lafta arxaanka ee laf-dhabarta, oo ah halka laga xukumo darreen sidayaasha ka yimaada maskaxda. Dabayshu waxay carruurta ku keentaa naafonimo abid ah.

Sida ay sheegtay hay’adda WHO labadii boqol ee bukaan ee uu haleelo cuddurka dabayshu hal qof ayaa naafooba, weliba luguha ayay ka curyaamisaa.
Sida ay sheegtay hay’ada UNICEF/Somalia sannadkaan 2013 Soomaaliya waxaa ka qarxay cuddurka dabaysha oo naafeeyay in ka badan 50 carruur ah agagaarka Muqdisho. Khuburada UNICEF waxay aaminsan tahay in xaqiiqda ah in carruur badan uu naafaynayo cuddurkaan ay cadaynayso inay jiraan kumanaan carruur ah oo sidda fayruska cuudurka keena oo haddana aan laga garanayn inay qabaan cuddurkii.

Gabar yar oo la siinayo tallaalka dabaysha iskuul ku yaal muqdisho
Calaamadaha lagu garto Dabaysha
Inta badan 90% dabaysha fayraska keena malaha calaamado, laakiin waxaa laga yaabaa inay marka ugu horaysa dabayshu ilmaha ku keento qandho, daal, madax-xannuun, matag, murqaha luqunta iyo dhabarka oo togma iyo xannuun adimada ah.
Daawaynta Dabaysha
Sideedaba dabayshu ma laha daawayn qeexan, laakiin waxaa ilmaha laga caawin karaa in la siiyo daawooyin xannuun jabiye ah ama in lagu dhiirigaliyo carruurta ka soo buksoonaysa dabaysha inay jimicsi sameeyaan. Carruurta ku sigatay inay naafoobaan ama curyaamayba waxaa laga yaabaa inay u baahdaan Physiotherapy,kabo gaar ah ama qalliin lagu saxayo curyaanimada.
Ka hortaga dabaysha
Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dabaysha waa in ilmaha loo dhamaystiro tallaalka dabaysha oo la siiyo ilmaha 4 jeer inta u dhexaysa labo bilood ilaa 6 sanno. Tallaalka dabaysha waxaa loo qaataa labo hab oo kala ah mid ilmaha la durayo iyo mid afka ilmaha dhibco tallaalkii ah lagu dhibcinayo. Soomaaliya inta badan waxaa laga isticmaalaa tallaalka afka lagu dhibciyo oo la yiraahdo OPV.