Cuddurkaan Down Syndrome waxaa markii ugu horaysay sharaxay oo loogu magacdaray dhaqtar Ingiriis ahaa oo la oran jiray John Langdon Down sannadkii 1866dii. Cuddurkaan waa cuddur lagu dhasho oo ka yimaada marka dhaxal-sidayaasha ama Koromosoomada waalidiinta u gudbiyaan tafiirtooda ay si khalad ah u qaybsamaan. Staatikis ahaan 700 ilmood oo dhalata hal cunnug ayaa ku dhasha Down syndrome.
Dabiiciyan marka ilmuhu abuurmayo wuxuu aabihiis bixiyaa 23 koromosoom ama hidde-side oo shahwada la socda, halka hooyaduna dhiibto 23 koromosoom oo ugxanta la socda. Marka ay isku bacrimaan shahwada iyo ugxanta ayaa waxaa soo baxa unnug aadami ah oo ka samaysan 46 koromosoom ama hidde side ilaa ilmuhu uurka dhexdiisa uu koroyo oo uu noqonayo qof dhamaystiran oo bilaayiin unnug ka samaysan.
Cuddurkaan Down syndrome wuxuu dhacaa marka si aan caadi ahayn koromosoomka ama hidde-sidaha 21aad uu saa’id noqdo oo meeshii uu lamaanaan lahaa uu saddexan noqdo. Halkaas waxaa ka soo baxa hal hidde-side oo saa’id ah oo ilmaha ku dhasha cuddurkaan wuxuu wataa 47 koromosoom halka qofka caadiga ah uu wato 46 hidde-side.

Cuudurkaan carruurta ku dhalata waxaa ku dhaca dib-u-dhac koritaanka jirreed iyo maskaxeedba. Down sydrome lagama hortagi karo, laakiin mar hore ayaa la ogaan karaa. Carruurta uu haleelo inta badan waxay u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ku saabsan waxbarashadooda iyo isku filnaantooda jirreed.
Carruurta ku dhalata cuddurkaan waxay qabaan cillado kala duwan oo uu sababay kharibaada koromosoomka 21aad. Waxaa ugu badan cilladahaas kuwa ku dhaca wadnaha, habdhiska dheefshiidka, qanjirta Thyroid oo dheefsiga cuntada dhib ka yimaado iyo aragtida indhaha oo inta badan khariban.
Maxaa keena Down Syndrome
Sidaan kor ku sheegnay cuddurkaan waa shiddo ka timaada ubuurtii hore ee marka hidde-sideyaasha waalidiintu isku bacrinmayeen uu samaysmay koromosoob saa’id oo uu yeeshay hidde-sidaha 21aad. Dadka dersa cuddurada ka yimaada dhaxal-sideyaasha waxay tibaaxaan in marka da’da hooyadu korortaba ay korodho fursada uu ku dhalan karo ilmo qaba down syndrome.
Carruurta ku dhalata cuddurkaan marka ay gaaraan da’da baaluqnimada wiilasha inta badan ma tafiirmaan halka gabdhaha laga yaabo inay carruur dhalaan.
Calaamadaha lagu garto Down syndrome
Carruurta ku dhasha cilladaan marka ay dhashaanba waa la ogaan karaa, maadaama ay leeyihiin calaamado markiiba la dareemi karo oo ku saabsan qaabka wajiga ilmuhu u samaysmay. Qaar ka mid ah carruurtaan dhamaan waxay muujiyaan calaamadaha Down syndrome, halka qaarkood aysan muujin. Habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo jirradaan waxaa la qaadaa DNA lagu xaqiijinayo dhibtaan.
Calaamadaha caamka ah waa kuwaan:
- Murqaha jirka ilmaha oo ragaadsan
- Wajiga inta ka koraysa indhaha oo siman, cabir ahaana yar. Madax-yaro
- Buundada sanka oo maqan, kamas leh oo haddana bagafsan.
- Dhibco cad cad oo wiilka isha ka dhex muuqda.
- Halka lafta sanka iyo isha isaga yimaadaan oo hilib duuduuban yeesha.
- Lafta garka oo yar iyo carrab wayn oo afka banaanka uga soo baxsan.
- Luqunta oo gaaban.
- Suulasha lugaha iyo farta dheer ee u dhaw oo aad u kala durugsan
- Calaacasha oo leh hal xariiqin oo kala barta.
- Far-yarada gacanta oo leh hal xubbin
- Dheggo yar yar oo si qaabdaran u samaysmay.
