Saturday, April 20
Shadow

E. Coli

E.Coli waxaa loo soo gaabshaa nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Escherichia coli,  oo caadiyan ku nool mindhicirada aadamiga. Baakteeriyadaani waa nooc baakteeriya ah oo qayb ka qaadata dheefshiidka, laakiin marka meesha ay joogto ay ka tagto oo ay tagto meel kale oo jirka ka mid ah ayay keentaa jirro aad u xun.

Waxaa kale oo Baakteeriyadaan laga helaa meelaha lagu dhaqo lo’da ama beeraha lagu nafaqeeyay saxaro ka timid lo’da. Waxaa kale oo laga helaa hilibka lo’da iyo khudaarta sida Spinachka lagu beeray nafaqeeyayaasha saxarada lo’da.

Baakteeriyadaani waxay jirka ku keentaa in lagu sumoobo cuntada, Maadaama ay ku gudubto habka saxarada ay la socoto baakteeriyada oo u gudubtay afka iyo dheefshiidka.

Marka ilmuhu dheefsado cunto ama biyo ku wasakhaysnaa baakteeriyada E.coli,  waxay calaamaduhu ku soo baxaan inta u dhexaysa 8-48 saacadood. Calaamadaha jirraduna waxay socon karaan 2-5 beri. Carruurta uu haleelay E.coli qaar waxay u baahan yihiin in la seexiyo isbitaalka, halka qaar guriga isaga bugsoodaan.

Calaamadaha E.Coli

  • Shuban mararka qaar leh dhiig soo raaca
  • Callool maroojis ama majiir
  • Qandho sare
  • Matag

 

Daawaynta E Coli

Carruurta shubmaysa waxay u baahan yihiin in laga ilaaliyo inay fuuq-baxaan. Waxaa la siin karaa ilmaha cabitaanka ORS. Haddii qandho iyo xannuun jirto waxaa la siin karaa daawooyinka Paracetamool iyo ipubrufen. Ha siin carruurta yar yar Aspirin waayo wuxuu ku keenaa carruurta jirro ka xun qandhada ama xannuunka.

Ka hortaga ku-sumoowga E.Coli

Noocan baakteeriyada ah waxay jirka ku keentaa inuu ku somoobo cuntadii,  sidaas awdgeed waxaa wanaagsan in laga taxadaro cuntooyinka ay ka midka yihiin hilibka lo’da oo u baahan in si aad ah loo kariyo. Sidoo kale, khudaarta lagu beero barwaaqeeyayaasha saxarada xoolaha waxaa laga yaabaa inay xanbaarsan yihiin baakteeriyada. Khudaartaas waxaa ka mida sakuumada iyo spinachka oo loo baahan yahay in si fiican loo mayro intaan la cunin.

Siyaabaha kale ee looga taxadaro E Coli ama ku-sumoowga cuntada waa kuwaan:

  • Mar kasta ku caddaadi carruurtaada inay gacmaha ku mayraan saabuun marka ay iskuulka ka yimaadaan ama musqusha isticmaalaan. Sidoo kale, waalidiintu waa inay hubiyaan in ay gacmahooda mayraan inta aysan diyaarin cuntada ilmaha.
  • Haddii ay jirto cunto soo hartay ama firiijka ku jirtay si fiican u kululee inta aadan ilmaha siin
  • Bar carruurtaada inaysan cabin biyaha meelaha lagu dabaasho oo laga yaabo in ay baakteeriyadu wasakhysay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: