Xasaasiyada cuntada – Food allergy waa xaalad caafimaad oo khatara, oo saamaysa malaayiin carruur ah oo ku nool dunida dacaladeeda. Cudurkan wuxuu ku bilaabmaa difaaca jirka oo qaldama. Maadaama shaqada difaaca jirku ay ahayd inuu jirka ka difaaco jeermisyada Baakteeriyada iyo Viruska, ayuu jirku u maleeyaa noocyo cunto ah barootiino ku jiraa inay jeermis yihiin, dabadeedna barootiinadaas si khalad ah ayaa loola diriraa.
Si ka duwan xaaladaha kale ee cunto dhibsiga ah, cudurkaan waxaa kacsha nooc lid-jireed ah oo la yiraahdo immunoglobulin E, oo shaqadoodu tahay inay sii daayaan dheecaanka Histamine iyo kiimikooyin kale oo kacsha calaamadaha jawaab-celinta alleerjiga.
Maxaa ka mid ah cuntooyinka xasaasiyada carruurtu ka qaadi karto.
Inkastoo qofba nooc cunto ah oo xasaasi ama allerjik ku yahay haddana 90% cuntooyinkaan hoose ayaa loo tiriyaa in inta badan lagu xajiimoodo.
- Loowska
- Caanaha
- Ukunta
- Sarreenka
- Digirta Sooy
- Kalluunka
- Shirimbiska
- Aargoosatada
Calaamadaha lagu garto ama ka soo muuqda cunnuga marka uu ku xajiimoodo nooc cunto ah
Calaamadaha ugu horeeya oo la dareemi karo waa cun cun oogada ah, sanka oo duufa,cun-cun indhaha oo gaduuta. Calaamado kale oo badana waa imaan karaan sida:
- Xabeeb iyo cunaha hawada oo ciriiri noqda
- Sharqan foori ah oo ay yeelato hawada sanbabka ka soo baxaysa
- Qufac
- Lallabo
- Matag/hunqaaco
- Shuban
Waxaa jirta calaamado ba’an ah oo uu leeyahay Allerjiga khatarta ah oo la yiraahdo Shoogga Anaphylaxis. Noocan shoogga ah wuxuu saameeyaa xubno badan oo jirka ah, wuxuuna keeni karaa geeri degdeg ah haddii aan degdeg qofka loo gayn isbitaal. Calaamadaha Shoogga Allerjigu keenu waxaa ka mid ah:
- Barar maqaarka
- Neefta oo cunnuga ku dhegta
- Carrabka iyo bishimaha oo barara
- Garaaca wadnaha oo hoos u dhaca
- Miyir-beel
- Hoos-u-dhac xawaaraha dhiigga.
Qofka ama cunnuga calaamadahaani ka soo muuqdaa wuxuu u baahan yahay in la seexsho Isbitaal.
Daawaynta Xasaasiyada Cuntada
Xilligaan daawaynta ugu habboon ee lagu daaweeyaa cunnug cunto ku jirada waa iyadoo laga hortago in cunnugaas la siiyo cunto uu allerjik ku yahay. Marka ugu horaysa oo ilmaha lagu xaqiijiyo inuu nooc cunto ah uu xasaasiyad ku qabo, waxaa fiican in la qoro nooca cuntada oo loo sheego macalimiintiisa iyo ciddii kale ee cunnuga noloshiisa gacanta ku haysa.
Calaamadaha aan sidaas khatarta u ahayn sida xajiinta oogada, hindhisada iyo nabraha yar yar ee maqaarka ka soo yaaci kara waxaa lagu daaweeyaa noocyo daawo ah oo la yiraahdo anti-histamines iyo steroids.
Nooca anaphylactic Shock waxaa qofka lala gaaraa irbad la yiraahdo Epinepherine oo joojinaysa dhamaan calaamadaha khatarta ah. Mararka qaarkood dadka ama carruurta u nugul in noocan shoogga ahi ku dhaco waxay guriga ku haysataan daawadaan.