Tuesday, December 3
Shadow

Gawracato – Diphtheria

Cuddurkaan Gawracatada waxaa af laatiinka lagu yiraahdaa Diphtheria. Wuxuu ka mid yahay cuddurada halista ah ee dilaaga ah. Wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta iyo dadka da’da ah. Waxaa keenta nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Corynebacterium diphtheriae. 

Gawracatadu waxay weerartaa qaybta hore ee habdhiska neef-qaadashada sida sanka iyo hunguriga cad,  ee ay hawadu marto.   Cuddurkaan waa cuddur aad u faafa oo lagu kala qaado marka ilmo ama qof qabaa uu hindhiso ama qufaco oo uu hawada galiyo dhibco ay ku laran tahay baakteeriyadii Gawracatada keenaysay.

Marka uu jirka soo galo jeermiga keena gawracatadu waxay qofka calaamadaha cuddurku uga soo bixi karaan inta u dhaxaysa maalin ama asbuuc. Soomaalidu cuddurkaan magac fiican bay u heshay, waayo sida uu u dhaco cuddurkaani waa baakateeriyada keenta gawracatadu waxay ku sii daysaa nudayaasha ku yaal neef-mareenka sida cunaha iyo sanka sun, taas oo ku keenta in xubnahaas uu ku dahaarmo xuub jilif ah oo yareeya dhumacda hawo-mareenka. Sidoo kale gawracatadu waxay bararisaa qanjirada luqunta ku teedsan.

Ilmo gawracato qanjirada luqunta bararisay - Courtesy of Wikipedia
Ilmo gawracato qanjirada luqunta bararisay – Courtesy of Wikipedia

Calaamadaha lagu garto Gawracatada

Calaamadaha gawracatadu waxay bilowdaan maalin ama asbuuc ka dib marka caabuqu yimaado.

  • Qandho sare oo gaarsiisan ama ka badan 38°C oo dhaxan wadata
  • Daal iyo tabardaro
  • Midabka maqaarka jirka oo baluug isku badala.
  • Xabbeeb iyo cunno xannuun
  • Qufac iyo madax-xannuun
  • Wax liqida oo dhib noqota
  • Neefta oo qofka ku dhegta
  • Qanjirada luqunta oo bar-barara
  • Iyo dheecaan uraya oo ka yimaada sanka

Haddii sunta ay gawracatadu sii daynayso sii socoto waxaa suuragal ah in suntu dhiigga oo dhan gaarto,  oo markaas ay jiradu gaarto wadnaha iyo kelyaha ilaa aakhirka qofku galo miyir-beel iyo geeri degdeg ah.

Daawaynta Gawracatada

Carruurta iyo dadka kale ee ay haleeshay gawracatadu waxay u baahan yihiin daawayn degdeg ah oo weliba isbitaalka lagu siiyo. Marka la xaqiijiyo jirrada waxaa la siiyaa qofka irbad lagu durayo muruqa ama xiddidka laga siinayo oo milaysa suntii baakteeriyadu jirka ku sii daysay. Dabadeed waxaa la siiyaa bukaanka daawooyinka Anti-biyootiga si loo dilo baakteeriyada gawracatada keenta.

Wuxuu kale oo bukaanku u baahan karaa in hawo ogsijiin ah oo sanka laga siiyo. Marka jeermigu asiibo xubno badan oo jirkaa wuxuu bukaanku u baahanayaa in xiddidka laga siiyo daawooyinka iyo dareerayaasha fuuqa soo celiya. Mararka qaarkood haddii suntu gaarto muruqa wadnaha bukaanku wuxuu u baahanayaa daawooyinka wadnaha.

Sidee looga hortgaa gawracatada

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagaa waa in carruurta loo dhamaystiraa tallaalka, gaar ahaan kan gawracatada oo dhamaan laga helo goobaha caafimaadka. Talaalka loogaga hortago gawracatada waa kan isagu jira saddexda nooc ee cuddur dilaa ee gawracatada, Teetanada iyo qiix-dheerta oo la yiraahdo DPT.    Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.

Siyaabaha kale ee looga hortago gawracatada:

  • Haddii aad wajahday ama aad maamushay qof la jirran gawracatada u sheeg dhaqtarkaaga oo waydii in aad antibiotic qaadan karto iyo inkale
  • Qof kasta oo la kulmay qof caabuqa gawracatadu hayo wuxuu u baahan yahay in la tallaalo.
  • Awooda tallaalku waxay jiraysaa muddo 10 sanno ah,  markaa dadku waxay u baahan yihiin tallaal xoojiye ah 10 sanno kasta ka dib.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: