Saturday, September 30
Shadow

Gubashada iyo carruurta

Carruurtu dabiiciyan waa kuwo khabaar-doon ah,  oo sahaminaya wax kasta oo indhahooda ku dhaca. Doonista khabaardoonka ah waa mid dabiici ah oo binu-aadamka oo dhan dabeecad u ah,  ee kuma koobna carruurta oo kaliya.
Shay kasta oo gacantoodu gaarto waxay jecelyihiin inay laacaan oo ka wardoonaan. Taas ayaa keenta in carruurtu xitaa dab qaxmaya ay gacmaha gashadaan.  Waalidiinta waxaa looga baahan yahay taxadar dheeraad ah isla marka ilmahoodu gaaraan inay dhaqaaqaan.

Gubashada carruurtu waa shilalka ugu badan ee carruurta soo gaara xilliga carruurnimada,  oo ay muhiim tahay in la ilaaliyo maqaarka ilmaha oo aad ugu nugul waxyeelada ay gubashadu keento. Qaar ka mid ah gubashooyinku waa kuwa khatartooda yar tahay oo guryaha lagu maarayn karo, qaarna waa gubasho baaxad leh oo ay tahay in ilmaha lala gaaro isbitaal.

Waxyaalaha keena gubashada carruurta

Tilaabada ugu horaysa ee kaa caawinaysa ka hortaga gubashada carruurta waa adigoo fahma waxyaalaha inta badan keena gubashada.

  • Dareere kulul sida tuubada qubayska biyaha ee la kululeeyay, shaah ama kafee kulul, maraq kulul ama biyo kulul oo ku jira tarmuus oo ilmuhu laaco.
  • Gubasho kiimikaad oo ah ilmaha oo isku daadsha kiimikooyinka sida aashitada, warankiilada dharka lagu mayro iyo liqida batariga saacadaha.
  • Dab ololaya ama bir kulul oo uu ilmuhu faraha la galo sida dab qaxmaya oo burjiko ku jira, feero aad u kulul ama foorno shidan.
  • Gubasho koronto oo ilmuhu fiilo koronto oo nool uu afka la galay ama taabtay ama faraha galiyay god koronto oo aan amaan ahayn.
  • Qoraxda oo maqaarka carruurta muda haysa oo gubta

 

Noocyada gubashada

Noocyada gubashada waxaa loo kala saaraa saddex heer oo kala ah heerka koowaad, heerka labaad iyo heerka sadexaad.  Gubashadu waxay ku xiran tahay heerka iyo sababta keenta gubashada. Dhamaan noocyada iyo heerarka gubashadu waxay istaahilaan in la daaweeyo.

Heerka koowaad ee gubashada

Heerka koowaad waa kan ugu fudud gubashada, wuxuuna dhaawacaa dubka ugu sareeya ee maqaarka. Calaamadaha gubashadaan waa maqaarka oo gaduuta,xannuun leh iyo barar yar. Noocaan maqaarku wuu qalalan yahay wax biyo ah oo galana ma jiraan. Dubka kore ee maqaarku maalin ama labo gudahood ayay diirantaa,  waxaana gubashadaan looga buskoodaa 3 ilaa 7 berri.

Gargaarka koowaad ee gubashada heerka koowaad

  • Ka fogee ilmaha meesha gubashadu ka timid.
  • Ka bixi dharka meesha gubatay markiiba.
  • Ku dul fur ama ku shub biyo caadi ah oo aan aad u qaboobayn meesha gubatay muddo 5-10 daqiiqo ah. Ogoow ha istcmaalin baraf waayo barafku khatar kale ayuu ku keenayaa maqaarka.
  • Ha marin meesha gubatay subag ama xayr, iyo sonkor,  waayo waxaa laga yaabaa in ay caabuq horseedaan.
  • Haddii aad heli karto mari kareemka Aleo ama Calamine lotion dhawr jeer maalintii meesha gubatay.
  • Ku duub faashad nadiif ah ilaa 24 saac. Ha isticmaalin sharootada maqaarka soo fulaacin karta.
  • Sii ilmaha daawo xannuun baabi’iye ah sida Paracetamol ama ipubrufen haddii ilmuhu uu lix billood ka wayn yahay.

 

Heerka labaad ee gubashada

Gubashada heerka labaad waa mid khatar ah oo waxyeelo u gaysatay lakabyada ka hooseeya dubka kore ee maqaarka. Gubashadaan maqaarka hoostiisa waxaa gala biyo, waxaa jira xannuun badan iyo gaduudasho. Mararka qaar biyaha galay maqaarka hoostiisa waa dilaacaan oo maqaarku si xun buu gaduutaa oo u qoyan yahay. Bogsashada gubashadaan waxay ku xiran tahay xadka gubashada  waxaana laga yaabaa inay qaadato bogsashadu asbuucyo.

Heerka saddexaad ee gubashada

Heerka gubashada ee saddexaad waa midka ugu khatarsan heerarka gubashada, waayo waxaa dhibtu gaartaa dhamaan lakabyada maqaarka iyo nudayaasha ka hooseeya. Oogadu waxay u ekaataa mid qalalan oo midabku bislaad ama madow gubasho ah u eg. Waxaa jiri kara xannuun yar ama xannuun la’aanba. Waxaa jiri karta kabuubyo iyo darreen la’aan, waayo waxaa gubtay neerfayaashii xannuunka soo tabin lahaa.

Bogsashada gubashada heerka saddexaad waxay ku xiran tahay xiddiga gubashada ee jirka gaartay. Waxaa laga yaabaa in loo baahdo qalliin maqaarka ah(skin graft) oo maqaarka qofka meel caafimaad qabta inta unugyo laga soo jaro lagu kabo meesha gubatay.

Gargaarka heerka gubashada ee labaad iyo saddexaad

  • Raadi gargaar caafimaad oo degdeg ah
  • Seexi ilmaha adigoo kor marinaya meesha gubatay
  • Raac gargaarka heerka gubashada koowaad
  • Ka fur dharka meesha gubatay haddii dharku uusan ku dhagin maqaarka. Sidoo kale ka bixi dahabka, dhegodhogaha, saacada IWM meesha gubatay.
  • Ha dilaacin haddii biyo maqaarka hoos galeen.
  • Biyo caadi ah oo aan qaboobayn ku qabooji meesha gubatay ilaa 5-10 daqiiqo, dabadeed ku dabool meesha gubatay maro nadiif ah  ilaa kaalmada isbitaalka aad gaarto.

 

Gargaarka guud ee gubashada ka dib.

Gubashada ay keento dabka ololaya

  • Ka saar ilmaha goobta dabka markiiba.
  • Demi dabka baxaya.
  • Haddii dharka ilmuhu gubanayo ka bixi dharka.
  • Raadi kaalmo degdega.
  • Raac gargaarka gubashada heerka labaad iyo saddexaad.

 

Gubashada ay keento korontada ama kiimikadu

  • Xaqiiji in ilmuhu uusan weli korantadii gacanta ku hayn inta aadan taaban,  waayo waxaa laga yaabaa in maansadu adiga ku haleesho.
  • Haddii gubashada ay keentay kiimiko ku shub maqaarka ilmaha biyo muddo 5 daqiiqo ah.
  • Haddii meesha kiimikadu gubtay ay yar tahay ku sii shub biyaha ilaa 20 daqiiqo.
  • Gubashada kiimikaad ee afka iyo indhaha waxay u baahan yihiin in loo raadiyo gargaar caafimaad oo degdeg ah. Sidoo kale gubashada korontada iyo kiimikadu inta badan ma muuqato oo waxaa laga yaabaa inay saamaysay xubno hoose oo jirka ka mid ah.
  • Haddii aad dareentay in ilmuhu liqay sun ama batariga saacadaha markiiba raadi gargaar caafimaad.

 

Ka hortaga gubashada

Mar walba kama dhigi kartid carruurta khatar la’aan,  laakiin waxaad samayn kartaa ka hortag macquul ah oo aad ku yarayn karto fursadaha gurigaaga gubasho kaga soo gaari karto ilmahaaga.

  • Dhamaan ka fogee carruurta kabriidka, layterka, shumaca shidan iyo kiimikooyinka. 
  • Dhamaan amaan u yeel ama dabool gododka korontada ee derbiyada
  • Yaree heerkulka biyaha tuubada ee qubayska qiyaastii 49C
  • Cunnuga/cunnugta oo dhabta kuu saaran ha karin cunto ama shaah.
  • Ha ku dul cabin cabitaan kulul sida shaaha ilmaha adoo haya.
  • Miiska cuntada kulul saaran tahay haku dahaarin maro ama bac waayo ilmuhu waxaa suurgal ah inuu darafka marada soo jiido oo cuntadiina ku dul daadato.
  • Marka jikada la joogo gacanka maqliga iyo digsiga u riix dhinaca derbiga oo uusan ilmuhu gaari karin
  • Calaamadee meel aysan ilmuhu tagi karin sida jikada iyo meelaha biyaha lagu kululeeyo.
  • Dhamaan feerooyinka kulul ka bixi korontada ama dhuxusha oo dhig meel aysan carruurtu gaari karin.
  • Guriga ilmuhu ku nool yihiin haku cabin sigaar.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: