Sunday, October 1
Shadow

Hal sanno jir

Awguuriyo! Hambalyo…. Hambalyo! waxaa la gaaray sannad-guuradii koowaad markii ilmahaagu ku soo biiray dunida. Waa maalin wanaagsan oo xasuus leh. Sannadkii la soo dhaafay waxaad soo martay heerar kala duwan adiga iyo ilmahaaguba,  waayo cunnugii yaraa ee kiilooyinka ahaa maanta waa qof isku filan oo sii koraya.small_3723728506

Ilmahaaga hal sanno jirka gaaray hadda wuxuu awoodaa inuu kaligiis istaagi karo ama uu qaadayba tilaabooyinkii ugu horeeyay ee socodkiisa. Xilligaan wuxuu astaahilaa inaad diyaarsato kaameradaada fiidiyoowga ama sawirka oo aad duubto tilaabooyinka ugu horeeya ee socodkiisa taariikhiga ah.

Dhinaca hurdada ilmaha hal sanno jir gaaray waxay seexdaan inta badan habeenkii waloow ay u baahan yihiin hurdada casarkii oo ay yara hurdo qac ka siiyaan. Waxay u muuqataa inay meesha ka baxayso hurdadii subaxnimada.

Hal sanno jirku waxay hadda u baahan yihiin in laga gudbo xilligii caanaha gasaca ama formulada. Waxay ilmuhu hadda u baahan yihiin dux badan iyo enerji badan oo ay baahidooda korriinka maskaxda iyo jirka ay ku daboolaan. Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in loo bilaabo siinta ilmaha caanaha lo’da. Khabiirada nafaqada ku takhakhusay waxay ku talinayaan Celcelis ahaan cunnuga caadiga ah inuu maalintii u baahan karo 350ml oo caano lo’aad ah. Sidoo kale, ilmaha gaaray hal sanno jir waa la siin karaa cuntada uu ku jiro malabku.

Hadda ilmuhu wuxuu mar horaba bilaabay inuu cuntada cuno. Waxaa muhiim ah in waalidiintu goobjoog ahaadaan marka ilmuhu cuntada cunayo,  waayo waxaa laga yaabaa in ilmuhu afka gashado cunto ka wayn hungurigiisa oo uu ku margan karo. Sidoo kale ilmuhu wuxuu gaaray heerka gacantiisu sida biinsada u shaqayso oo shay kasta farihiisa ku qaban karo dabadeedna afka galinayo. Taxadar dheeraad ah ayaa muhiim ah in laga fogeeyo wax kasta oo khatar ah oo ilmuhu afkiisa galin karo.

Carruurta hal sanno jirka ahi waxay noqdaan kuwo bulshayo ah oo fahmaya waxa waalidiintood u sheegayaan. Waxay koobigareeyaan luuqada waalidiintood kula hadlayaan. Waxay gaareen inay waalidiintood ugu yeeraan baabe. Maama ama hooyo. Carruurtu hadda waxaa laga yaabaa inay dalabkooda gudbistaan sida marka ay haraadan yihiin oo kale inay yiraahdaan “Caano ama aano”.

Xilliga hal sanno jirka waxaa la gaaray markii ilmaha loo galin lahaa kabo. Xulo kabo aan ilmaha cirriiri ku ahayn,  waayo cagta ilmuhu waa mid koraysa oo waxaa laga yaabaa inaad 3 billood ka dib kabo kale ilmaha u gado markay ka yaraadaan kuwii hore oo markii horaba cirriiriga ku ahaa.

Tallooyinka hal sanno jirka

  • Hal sanno jir ilmaha gaaray waxay jecel yihiin inay wax walba sahamiyaan markaa u ogoloow intaad awoodo inay helaan qalab ay ku ciyaaraan sida weelal ama boombalooyin ay raseeyaan ama qalab ay is-dhexgal-galiyaan.
  • Sannad jirku waxay u baahan yihiin in aad booqasho uga qabato dhaqtarka carruurta si loo jeegareeyo korriinka iyo caafimaadka ilmaha. Sidoo kale, carruurtu hadda waxay istaahilaan in la tuso dhaqtarka ilkaha si looga hortago bololka ilkaha ee carruurta.
  • Xaqiiji in gurigaagu weli amaan u yahay ilmaha(babyproof).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: