Friday, April 19
Shadow

Hargabka – Common cold

Hargabka ama Dureyga waa cuddur faafa oo si baahsan la isagu gudbiyo. Wuxuu ku dhacaa qaybta sare ee habdhiska neefsashada ee kala ah sanka, cunaha,iyo gododka sanka. Hargabka waxaa keena ugu yaraan labo boqol oo nooc jeermiska Fayraska ah oo kala duwan. Nooca ugu balaaran ee keena hargabka waxaa la yiraahdaa Rhinoviruses.

Carruurtu wax badan bay qaadaan hargabka laakiin isla markiiba isla noocii oo durey ah ayaa ku soo noqda. Waa maxay sababtu? Waxaan sheegnay in labo boqol oo nooc oo fayras ah oo kala duwan inay keenaan hargabka, markaas haddii hadda ilmaha hargab ku dhaco cunnugu wuxuu samaysataa difaac iyo tallaal uu uga hortago in mar kale isla fayraskii jirro ku keeno.  Nasiibdarose, waxaa ilmihii haddana ku dhaca nooc kale oo Fayras ah.

Hargabka waa cuddurka ugu badan ee ku dhaca binu-aadamka. Qofka qaan-gaaray wuxuu hargabku sannadkii celcelis ahaan ku dhici karaa labo ama saddex jeer, halka ilmaha celcelis ahaan uu hargabku ku dhici karo lix ama labo iyo toban jeer.

Hargabka waxaa la isagu gudbiyaa marka qof hargabsan uu hawada ku qufaco ama hindhiso, oo markaas dhibco jeermiga wataa hawada galaan, dabadeed qof fiyoobi neefsado hawada fayrasku la socday. Waxaa kale oo lagu kala qaadaa marka ilmuhu taabto meel ama shay uu saaran yahay fayraska hargabka keena oo markaas ilmihii gacmaha afka ama sanka ku taabtaan.

Calaamadaha lagu garto Hargabka

  • Sanka oo duufa
  • Cabur sanka ah iyo hindhiso badan
  • Qandho ladifan iyo madax-xannuun
  • Cunnaha oo xanuuna
  • Qufac
  • Daal iyo marqa-xannuun

 

Daawaynta Hargabka

Hargabka waxaa keena fayras oo ma lahan wax daawo ah. Waxaa muhiim ah in ilmaha la siiyo cabitaan badan iyo nasiino. Haddii qandho jirto waxaa la siin karaa daawooyinka qandhada hoos u dhiga sida Paracetamol iyo Ipubrufen.

Ka hortaga Hargabka

Cuddurka hargabka tallaal ka hortaga ma leh,  laakiin waxaa looga hortagi karaa carruurta oo la siiyo cunto nafaqo leh iyo cabitaan ku filan. Mar walba waa in la baraa carruurta inay gacmahooda dhaqaan inta aysan cuntada cunnin iyo marka ay musqusha ka soo baxaanba.

Carruurta qabta hargabka waa in laga karantiilaa carruurta fiyoow, tusaaale carruurta hargabsan waa in aysan isku weel kula cunin kuwa caafimaadka qaba. Carruurta waa in la baraa habka loo isticmaalo fasaleetiga.

Waalidiinta sigaarka cabta carruurtoodu waa ka qaadis badan yihiin hargabka kuwa aan waalidkood cabin sigaarka,  markaa waa in carruurta laga ilaaliyaa meel sigaar lagu cabay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: