Saturday, September 30
Shadow

Ilkaha Suusa – Dental caries

Soomaalidu marka ilkaha ilmaha ama dadka waawaynba ay madoobaadaan, oo haddana ay bololaan waxay si masabid ah eedda u saaraan in ilkihii uu galay cayayaanka Suuska. Suusku waa cayayaan yar yar oo burburiya miraha beeraha ee kaydka ah.  Laakiin, maadaama uusan jirin magac-bixin kale oo ilkuhu markay bololaan loo yaqaan waxaan qaadanaynaa suusida ilkaha oo ay keenaan Baakteeriya iyo macaanada dabiiciga ah oo ku kulmay ilkaha ilmaha.

Ilkaha oo suusa(tooth decay) waa jirro carruurta yar yar kaga dhacda ilkaha,  oo noqda kuwa bolola ama suus galo. Inta badan suusku wuxuu carruurta kaga dhacaa ilkaha kore ee afarka ah, halka kuwa hoose inta badan ka badbaadaan bololka,  waayo waxaa ilkaha hoose mar walba qooya oo difaaca candhuufta iyo dheecaanada afka.

Maxaa keena bololka ilkaha carruurta?

Bololka ama suusida ilkaha ee dhallaanka waxay martaa labo heer :

  • Baakteeriyada la yiraahdo  Streptococcus mutans oo joogta afka hooyada marka hooyadu weelasha ay wax ku cunayso ay ilmaha wax ku siiso ama afka u galiso maacuuntaas ayaa baakteeriyadu hooyada ka gudubtaa oo ilmaha afkooda gaartaa. Sidoo kale, waxaa la arkaa hooyo iyo ilmo nacnac wadaagaya.
  • Marka ay baakteeriyadii gaarto afka ilmaha ayaa waxaa dhacda in ilmaha  caanihii masaasada lagu siiyay ama cabitaanka sonkaraysan ay baaqi ku noqdaan illiga ilmaha.  Baakteeriyadu markaas ka dib cabitaankii sonkoraysnaa ee illiga saarnaa ayay u badashaa Aashito burburisa gidaarka illiga ku daboolan.  Taasi waxay keentaa in illigii derbigiisii adkaa milmo, dabadeed baakteeriyadu dhexgasho oo madoobayso ilaa ay ka bololinayso oo caabuqinayso. Markaa waxaa la yiraahdaa ilkahaas suus baa galay!
Illig suus galay oo soo madoobaanaya - Courtesy of wikimedia
Illig suus galay oo soo madoobaanaya – Courtesy of wikimedia

Siyaabaha looga hortago inay ilkaha ilmuhu suusaan?

Ilmaha yar yar marka ugu horaysa ee ay u soo baxaan ilkuhu waxay u baahan yihiin in loo cadayo ilkaha. Waalidiintu waxay isticmaali karaa siyaabo kala duwan oo ilkaha ilmaha lagu nadiifin karo. Dhulka miyiga ama tuulooyinka ah hooyooyinku waxay samayn karaa maro nadiif ah inay ilmaha yar yar ilkahooda ku nadiifiyaan labo goor maalintii. Carruurta waawayn waxaa la baraa inay isticmaalaan geedka cadayga oo dhaqan ahaan Soomaalidu waligeed ilkahooda ku nadiifin jireen.

Magaalooyinka iyo qurbaha waxaa la istcmaalaa buraashka caagga ah oo loogu talagalay carruurta (Junior toothbrush) in loogu cadayo maalintii labo jeer. Inta badan waxaa wanaagsan in carruurta ilkahooda la nadiifiyo subaxii iyo habbeenkii marka ay seexanayaan. Waxaa kale oo wanaagsan in la baro inay ilkahooda cadayaan ama luqluqdaan mar kasta oo ay cabeen ama cunneen wax macaan.

Carruurta yar yar waxaa fiican in laga ilaaliyo cabitaanada macaanka ah iyo nacnacyada keena in baakteeriyada afka joogtaa u badasho aashito burburisa derbiga illiga. Sidoo kale, waxaan wanaagsanayn in ilmaha masaasada caanaha ku caba in la seexiyo iyaga oo masaasadii afka kula jira.

Maaddada Foloraydh(flouride)

Waxaa jira daawo muhiim ah oo ka samaysan macdanta flouride oo ka caawisa derbiga ilkaha inay adkayso oo ka caabiso baakteeriyada iyo aashitada inay dallooliyaan qolofka kore ee ilkaha. Gobolo badan oo Soomaaliya ah oo aan tagay dadka Soomaaliyeed difaac bay kaga jiraan inay isticmaalaan daawada ilkaha lagu cadaydo ee Flouridka. Qaarkood waxay aaminsan yihiin inay af-ur keento. Qaarkood kiimikooyinka oo dhan bay ka cabsi qabaan.

Xaqiiqda daawada flouride waxaa fiican in waalidiintu fahmaan inay tahay daawo u muhiim ah difaaca ilkaha ee qofkasta xitaa carruurta. Su’aasha taagan baa waxay tahay carruurta yar yari ma qaadan karaan daawada ilkaha lagu cadayo ee Flouride? Haah. Carruurtu way u baahan tahay flouride,  laakiin waxay u baahan yihiin qadar aad u yar in loogu cadayo labo jeer maalintii. Qiyaastii cabirka xabbad bariis ah ayaa ku filan inaad ugu cadaydo markiiba.
Waxaa jira daawooyin ilkaha lagu cadayo oo u gaar ah carruurta yaryar oo la yiraahdo Junior toothpaste. Daawada ilkaha ee flouridhka waxaa lagu suuq-geeya magacyo ay ka midka yihiin Colgate iyo Aquafresh.

Haddii xaddiga flouride laga badiyo cadayga ilmaha waxaa laga yaabaa in ilmaha ay ku dhacdo xaaladda Flourosis oo ah marka ilkaha ilmaha uu fuulo dabarka. Soomaaliya meelo ka mid ah biyaha ceelasha ee la cabo waxaa ku badan macdanta Flouride,  sidaas awgeed baa loo arkaa carruur badan oo ilkahoodu dabar jaalle ah ku samaysmay.

Carruurta ku nool meelaha ay jooggaan dhaqaatiirta ilkaha waxay astaahilaan in 6dii billood ama sannadkiiba mar loo geeyo dhaqtarka Ilkaha (dentistaha) ah si looga hortago inay ilkuhu bololaan.

 

 

 

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: