Sunday, October 1
Shadow

Impetigo

Impetigo waa cuddur aad u fida oo ku dhaca maqaarka carruurta inta badan da’doodu u dhaxayso 2-6 sanno.  Inta badan wuxuu ku dhacaa agagaarka afka, sanka, qoorta iyo dusha sarre. Waxaa kale oo ay ku dhici kartaa gacmaha iyo lugaha.
Cuddurkaan waxaa keena inta badan labo nooc oo baakteeriya ah oo la kala yiraahdo  streptococcus pyogenes  iyo Staphylococcus aureus. Impetigo waxaa lagu kala qaadaa taabashada qof jirkiisa ay baakteeriyadu joogto iyo marka carruurtu wadaagaan boombalooyinka, shukumaanada iyo qalabka isboortiga.

Marka jirka ay xagtini gaarto ama cayayaan qaniino baakteeriyadu waxay fursad u helaysaa inay gasho maqaarka meeshii uu ka dhaawacmay. Dabadeed, maqaarka wuxuu yeeshaa nabro biyo galleen ah oo caabuqa, kadibna dilaaca oo yeesha malax iyo qolof  inta badan u eg midabka malabka oo kale.

Calaamadaha lagu garto Impetigo

Waxaa jira noocyo badan oo Impetigo ah,  oo ay kala keenaan noocyada baakteeriyada ah, laakiin caam ahaan impetigo waxay leedahay calaamadahaan:

  • Xirmooyin nabro yar yar oo gaduudan oo dheecaama oo ka soo baxa agagaarka afka, sanka,gacmaha, lugaha iyo barrida
  • Maqaarka u dhaw nabraha wuu caabuqaa oo gadduutaa
  • Inta badan xannuun badan ma leh laakiin cun cun bay nabruhu leeyihiin
  • Barrar ku yimaada qanjirada u dhaw maqaarka caabuqay
  • Aaakhirka nabruhu way dillaacaan,dheecaamaan,  dabadeedna waxaa fuusha qolof midabka Jaallaha ah leh.
Nabro Impetigo keentay oo dhudhunka ka soo baxay - courtesy of wikimedia.com
Nabro Impetigo keentay oo dhudhunka ka soo baxay – courtesy of wikimedia.com

 

Daawaynta Impetigo

Haddii impetigo aysan saamayn inta badan maqaarka ama aysan keenin nabro aad u tiro badan oo caabuqay,  waxaa ilmaha maqaarkiisa la mariyaa boomaato Anti-biyootig ah oo dilaysa baakteeriyada.  Laakiin, haddii ay baahday Impetigo ama nabruhu yihiin kuwo waawayn ilmuhu wuxuu u baahanayaa in la siiyo daawo anti-biyootic ah oo ama sharoobo ah ama kaniini ah oo socota 7-10 maalmood.

Marka ilmaha ay u bilaabato daawayn waalidiintu waa inay hubiyaan in nabraha iyo maqaarka jirran maalintii labo jeer la nadiifiyo. Isticmaal saabuunta anti-bacterialka ah oo qalaji boogaha. Haddii nabruhu sii bataan ama ilmuhu yeesho qandho si degdeg ah ula socodsii dhaqtarkaaga.

Ka hortaga Impetigo

  • Nadaafada guud iyo gacmo dhaqasho oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa cuddurada maqaarka sida impetigo
  • Carruurta  ka jar ciddiyaha, weliba kuwa u  nugul Impetigo
  • Gogosha iyo dharka ilmaha qaba Impetigo maalin walba mayr kana ilaali ilmaha jirran inuu la wadaago carruurta kale dharka iyo boombalooyinka.

 

 

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: