Calaamadaan caafimaad ee indho-habeeno ama Night blindness wuxuu ku dhacaa dadka waawayn iyo carruurtaba. Waxay indho-habeeno timaadaa marka qofku xilliga mugdiga ah sida habeenkii uu si quman wax u arki waayo amaba gorayooy gabal kuu dhac uu noqdo. Marka ilmuhu jooggaan meel iftiin leh ama maalin wayntaba aragtidu waa mid caadi ah, laakiin haddii gabalku dhaco ayay timaadaa indho-habeeno.
Indho-habeenadu sideedaba ma ahan cuddur, laakiin waa calaamad soo baxda marka ay jirto cuddur ama jirro qarsoon oo qofka haysa. Waxay dhibtaan ka dhacdaa qaybta retiinaha isha oo si fiican u shaqayn wayday sababo badan awgood.
Carruurta yar yar ee ay haleesho indho-habeenadu waxay ka cabsadaan inay socdaan waqtiga mugdigu jiro ama habeenkii ah. Waxay neceb yihiin in habeenkii qolka ay jiifaan nalka laga demiyo. Xilliga ilaysku yar yahay waxay haahaabtaan qalabka guriga yaal si taxadar lehna way u socdaan marka mugdi jiro.
Haddii ilmuhu ka cabsado mugdiga iyo inuu socdo xilliga ilaysku yar yahay waxaa wanaagsan in la tuso dhaqtarkiisa ama dhaqtarka indhaha.
Sababaha keena indho-habeenada
Sababta ugu wayn ee keenta indha-habeenada waa nafaqo-darada marka jirka uu ku yaraado Fitamiin A, oo saacida retiiinaha isha in ilaysku ka gudbo marka mugdi jiro. Sida hay’ada WHO sheegtay ilaa 250,000 ilaa 500,000 oo carruur nafaqodaro hayso oo ku nool dunida soo koraysa ayaa sannad walba la kulma indho-la’aan ay keentay fitamiin A oo ku yaraada jirka ilmaha.
Fitamiin A waxaa laga helaa cuntooyinka u badan barootiinka ee ka soo baxa xoolaha sida caanaha, hilibka iyo farmaajada. Khudaarta gaar ahaan karootada iyo bocorka ayaa iyana caawiya jirku inuu samaysto fitamin A marka beerku u badalo maadada Carotene fitamin A.
Sababaha kale ee keena indho-habeenada
- Short-sightedness oo ah aragtida meesha dhaw oo uusan ilmuhu meel fog wax ka arki karin
- Daawooyinka Glucoma oo wiilka isha aad u aruuriya
- Cataract: oo ah xuub ku dahaarma isha birteeda
- Retinitis Pigmentosa: oo ah nooc indho-habeeno ah oo la iska dhaxlo
Daawaynta indho-habeenada
Sidaan horay u sheegnay indha-habeenadu waa calaamad cuddur oo u baahan in la ogaado jirrada keentay marka hore. Marka la ogaado jirrada keentay ayaa markaas cuddurkaas la daaweeyaa. Tusaale ahaan, haddii indha-habeenada ay keentay fitamiin A la’aan, daawayntu waxay noqonaysaa in ilmaha la siiyo daawo fitamiin A ah iyo in cunto ay ku badan tahay barootiinka iyo karootada in ilmaha la siiyo.
Sidoo kale, haddii indha-habeenada ay keentay aragtida meesha dhaw ee isha waxaa dhaqtarka indhuhu cabirayaa aragtida ilmaha oo markaas loo qorayaa ookiyaale gaar ah. Haddii indhaha ilmaha xuub fuulay waxaa laga yaabaa in loo baahdo qalliin isha ah.