Cuddurka Jadeecada waxaa keena jeermiga Viruska. Waa cuddur dilaa ah oo ku dhaca inta badan carruurta yaryar ee jira 1-4 sanno. Waxaa laga yaabaa inuu horseedo caabuqa dhegaha, Nimooniya, menengitis iyo bararka maskaxda ama geeri. Cunnug kasta oo aan la talaalin way ku dhici kartaa jadeecadu.
Marka qof qaba jadeecada uu hindhiso ama qufaco wuxuu hawada ku sii daayaa milaayiin dhico ah oo wata fayraska keena jadeecadda. Dhibcahaas waxay hawada ku jiraan iyagoo nool ugu yaraan 2 saacadood. Haddii dhibcahaas uu neefsado ilmo caafimaad qaba waxaa jirkiisa galaya fayruska keena jadeecada.
Haddii ilmahaagu uusan talaalayn ama hore aysan ugu dhicin jadeecadu 90% fursad ah ayuu helayaa inuu jadeecada la jiranayo. Haddii ilmaha la talaalo ama horay ay ugu dhacday jadeecadu ma qaadayo mar kale noloshiisa.
Waa maxay calaamadaha Jadeecada?
Marka ilmaha ay haleesho jadeecadu markiiba waxay la soo boodaan qandho aad u saraysa, sanka oo si aad ah u dareera, qufac iyo indhaha oo ilmeeya oo gaduuta.
Dhawr beri ka dib waxaa ka soo yaaca qowlalada afka nabro yar yar oo cad-cad oo salka ku haya xuubka qowlalka oo gaduutay. Waxay u egyihiin qurubyo cusbo ama ciid ah.

labo maalmood ka dib waxaa ilmaha ka soo daata faruuraca cun-cunka leh ee ay jadeecadu caanka ku tahay. farruurucu wuxuu ka soo bilaabmaa madaxa iyo luqunta ilaa uu u sii gudbo dhabarka iyo gacmaha iyo lugaha.
Waxaa kale oo uu ilmuhu la kulmaa qandho aad u saraysa, shuban matag iyo qanjirada luqunta oo barara, Qufaca oo saa’id noqdana wuxuu ilmaha ku keenaa inay aad u jirradaan.

Daawaynta Jadeecada
Jadeecada waxaa keena fayrus, sidaas awgeed, ma lahan daawayn qeexan ilaa hadda. Difaaca jirka ayaa ku filan oo waxaa laga yaaba 2 asbuuc gudahood in ilmuhu bogsado. Laakiin, waxay leedahay talaal lagaga hortago in ilmaha ay ku dhacdo marka ay yar yihiin. Talaalka mar marna kaligiis ayaa la siiyaa ilmaha, marna waxaa lala siyaa labo cuddur oo kale.
Talaalka MMR waa talaal laga hortago 3da cudur ee jadeecada, qaama-qashiirka iyo Rubella. Talaaladaas la isku daray 95% carruurta way ka difaacaan cudduradaas. Tallaalka waxaa laga heli karaa dhamaan MCHyada iyo isbitaalada.
Sidee loo daryeelaa ilmo Jadeeco hayso.
- Haddii aad ka shakiso ilmaha inuu qabo jadeeco markiiba u gee dhaqtar si loo diiwaangaliyo in cuddurku dilaacay.
- Sii daawooyinka qandhada iyo xannuunka ee Paracetamol ama Ipubrufen. Ha siin ASPIRIN ilmaha jadeecadu hayso waayo waxay horseedaysa khatar kale.
- Ka ilaali ilmuhu inuu fuuq-baxo oo sii cabitaan badan, waayo qandhadu biyo badan bay jirka ka saartaa.
- Guriga ilmuhu jiifo daahyada u deji waayo ilmaha jadeecadu hayso way dhibsadaan iftiinka.
- Ilmaha farruuraca jadeecadu ka soo baxday ka ilaali carruurta kale inay u soo dhawaadaan inta uu jirran yahay.