Friday, March 29
Shadow

Kor-cadaad-Albanism

Cudurka Albiino waa cuddur la iska dhaxlo,  oo ah marka maqaarka, indhaha iyo timaha uu ku yar yahay midabka ama dhibcaha la yiraahdo Melanin. Wuxuu ku dhacaa dhirta, aadamiga iyo xayawaankaba. Carruurta ku dhalata calaamada ugu horaysa waa maqaarka iyo timaha oo caddaada oo aan midab lahayn.   Soomaalidu waxay ku qaladaa cuddurkaan barasta oo ah cuddur ku dhaca maqaarka oo jirku isla dagaalamo(Auto-immune disease), laakiin Albino waa cuddur la iska dhaxlo oo kaliya.

Fahanka cudurka Albanism ama kor-caddaadka       

Marka hore si aad u fahanto cudurka albiinada waxaa fiican inaad deristo maadada Melenin oo ah kiimiko laga helo lakabka hoose ee maqaarka oo shaqadeedu tahay inay samayso,  midabayso maqaarka, timaha iyo birta isha.

Cunug Albiino ah. Courtesy of wikipedia
Cunug Albiino ah. Courtesy of wikipedia

Haddii cunug ku dhasho cudurka Albino maqaarkiisu awood uma lahan inuu soo saaro midabeeyaha Melanin. Waa markaan waqtiga uu dhaco cudurka Albino,  oo ah in maqaarkii caddaado, wiilka indhuhu caddaado,  oo timihii casaan ama caddaan noqdaan.  Albino way noocyo badan tahay oo waxaa laga yaabaa in maqaarka kaliya ay hayso ama indhaha kaliya.  Ka sokow midabaynta jirka, Melenin wuxuu kaloo jirka u qabtaa inuu ka ilaaliyo falaaraha khatarta ah ee qoraxda ka yimaada.

Bal eeg qof taagan meel qorax ah muddo dheer maqaarka jirkiisu wuu ka madow yahay qof taagan meel hoos ah,  waayo marka aad qoraxda taagan tahay maaddada melenin shaqadeeda ayay haysataa oo falaaraha qoraxda ah ee kulul ayay jirka ka difaacaysaa. Ilmaha qaba albanismka haddii yara ay istaagaan qoraxda maqaarka ayay ka gubtaan. Taasi waa sababta carruurta qabta albanismka ay tahay inay mar walba ka dahaarnaadaan qoraxda. Waxay mar walba u baahan yihiin inay koofiyad ama dhar kale iskaga dahaaraan qoraxda.

Dhibaatooyinka Aragtida ee Albinismka

Sidaan horayba u sheegnay qofka Albinada ah wiilka ama birta isha waxaa ka maqan midabeeyaha melenin. sidaas awgeed,  cunnuga Albiinada ah wuxuu u nugul yahay inuu indho-beelo, aragtidu yaraato ama uu u adkaysan waayo ilayska ama iftiinka soo galaya isha. Carruurta Albiinada qabtaa waxay xirtaan muraayado gaar ah oo dhaqtar u qoray oo ka saacidaya aragtida amaba ookiyaale midab leh oo ka celinaya ilayska ishu aysan xamili karin marka uu cunnugu marayo meel cadceeda.

Maxaa keena Albiinada

Cudurkaan sida hargabka la iskama qaado,  laakiin waa cuddur la iska dhaxlo oo waalidiintu carruurtooda si dhaxal ah ugu gudbiyaan. Qofkasta oo aadami ah jirkiisu wuxuu ka kooban yahay bilaayiin unug oo qurubka ugu yar aysan ishu arki karin in la isticmaalo Microscope mooyee. Unnugyadaas dhexdooda waxaa ah Koromosoomyo sita boqolaal ama kumanaan hide-sideyaal ah. Dhaxal-sideyaashaasi waxay sidaan hiddaha jirkeena gaarka u ah. Dhaxal-sideyaashu waa kuwa muuqaalka jirkeena ka masuulka ahaa tusaale ahaan haddii aan timojilicsan lahaa ama timo adag waa kuwa kasoo gudba waalidiinta oo u gudba tafiirta.

Waxaad in badan maqashaa timaha aabahaa ayaad uga egtahay,wajiga dhuuban hooyadaa ayaa lahayd ama sidii awoowgaa ayaad u dhoola-cadaysaa – taas macnaheedu waxa weeye waxaa kuu soo gudbay hidde-sideyaashii waalidiintaada. Qof kasta wuxuu leeyahay labo xirmo oo hide-side ah. Hal xirmo waxaad ka dhaxashaa aabahaa halka xirmada kale kaaga imaanayso hooyadaa. Haddaba haddii labadaada waalidba ay wataan hide-sidaha albanism waxay labadooduba u gudbinayaan hide-sidihii watay albiinada saas ayaa waxaa ku dhalanaya ilmo albiino ah.

Haddii labada waalid midkood leeyahay hide-sidaha Albino ilmihii ma noqonayo Albiino,  laakiin wuxuu noqonayaa mid sita ama wata(carrier) dhaxalkii albino oo uu labada waalid midkood u soo gudbiyay. Ilmahaas wata hide-sidaha Albiino oo aysan ka muuqan calaamadaha albiinada haddii marka uu waynaado uu guursado qof kale isna wata hide-sidaha albiino waxay iska dhalayaan ilmo albiino ah.

Sidee loola tacaalaa ilmo qaba Albinism

Carruurta qabta albiinada waxay la mid yihiin carruurta kale ee caadiga ah, waxay kaliya oo ay u baahan yihiin in laga taxadaro maqaarkooda iyo indhahooda gaar ahaan marka ay u baxayaan cadceeda. Albiinadu carruurta kama hor-istaagto yoolkooda. Carruurta qabta cudurkaan waxay noqon karaan dhaqaatiir, gar-yaqaano ama saynisyahano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: