Wednesday, April 23
Shadow

Labo sanno jir

Hanbalyo.. Hanbalyo hooyo iyo aabbe,  waayo ilmahaagu wuxuu u dabaaldegayaa sannad-guuradii labaad ee cimrigiisa. Wiilkaaga ama gabadhaadu hadda waxay awoodaan inay socdaan, hadlaan, ciyaaraan. Sannadka labaad jirka ilmaha caafimaadka qabaa wuxuu sameeyay hurumar badan oo ay ka mid yihiin in ilmuhu ordi karo, jaranjarada guriga ku taagsan karo, bannooniga laadi karo, labadiisa gacmoodba isticmaali karo.

Dhinaca horumarka luuqada ilmuhu hadda waxay awoodaan inay tilmaamaan shay haddii la tuso sawirkiisa. Waxay sheegi karaan magacyada dadka ay yaqaanaan. Waxay luuqad ahaan yaqaanaan erayo yar yar iyo weero. Waxay labo sanno jirku koobigareeyaan hadalada dadka waawayn ku hadlayaan.

Dhaqaatiirta carruurta iyo waalidiintu waxay yiraahdaan labo sanno jir ilmuhu marka uu gaaro waxay noqdaan kuwo dhib badan oo waalidiinta la qaylisiiya. Taasi ma ahan wax aan caadi ahayn,  waayo waa qayb ka mid ah korriinka ilmaha. Hadda waa xilliga ilmuhu gaaro inuu raadiyo xornimo isaga u gaar ah qof ahaan halkii uu ku tiirsanaan lahaa waalidiintiis.
Markaas waxay u egtahay in loollan bilowday u dhexeeya ilmaha oo doonaya inay ikhtiyaar helaan iyo waalidiinta oo raba inay saxaan ilmaha. Hal daqiiqo gudaheed baa laga yaabaa in ilmuhu isku dhejiyo hooyadiis isla markiibana dhinaca kale u cararo.

Carruurta labo sanno jir gaaray waxay la yimaadaan labo xaaladood oo kala ah dareenka ilmaha oo si degdeg ah isku badala iyo suuraha. labadaan shido waxay wareeriyaan waalidiinta,  laakiin hadda waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in heerkaan carruurtu maskax ahaan,  jir ahaan, darreen ahaan iyo bulshonimo ahaanba ay u korayaan.

Tallooyinka waalidiinta ilmaha labo sanno jirra

  •  Is-deji haddii ilmuhu la yimaado qaylo, oohin badan, iyo suure badan, oo ilmaha u hag jiho kale ama is-dhaafi oo ha la wadwadin.
  • Iska yaree isticmaalka erayga “maya” ama “No” waayo carruurtu waxay koobigareeyaan erayada diidmada ku salaysan.
  • Ku mushquuli ilmaha xirfad kale ama hawl kale sida ciyaar ama boombalo uu jecel yahay.
  • Marna xanaaqu yuusan ku qaadin inaad garaacdid ilmaha waayo garaacida ilmaha yar yar waxay ku keentaa welwel, cabsi iyo isku-kalsoonaan la’aan.
  • Iska illaali isku dhaca ilmaha iyo adiga sida xilliga dukaamaysiga ku aadi oo adeego xilliga ilmuhu jiifo oo kale.
  • Amaan dusha uga tuur ilmaha marka uu sameeyo wax wanaagsan
  • Waalidiintu waa inay dareemaan heerkaan korriin ee ilmaha tusaana ilmaha raxmad iyo xushmad.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: