Tuesday, December 3
Shadow

Leukemia ama kansarka dhiigga

Leukemia waa kansarka dhiigga ku dhaca. Kansarkaani wuxuu ka biloowdaa dhuuxa lafaha dhexdooda ku jira. Dhuuxu waa nudayaasha laga sameeyo unnugyada dhiigga.

Qofka caafimaadka qaba dhuuxa dhexdiisa waxaa lagu sameeyaa:

  1. White blood cells:  oo ah unugyada cad-cad ee dhiigga. Unugyada cad-cadi waxay jirka ka difaacaan jeermisyada cuddurada keena.
  2. Red Blood cells:  oo ah unugyada cas-cas ee dhiigga. unugyada cas-casi waxay jirta oo dhan u xanbaaraan ogsijiinta.
  3. Platelets:  oo ah unugyada xinjiraynta dhiigga.

 

Marka qofku qabo Leukemia ama kansarka dhiigga dhuuxu wuxuu si qaldan u sameeyaa unugyo cad-cad oo tiro badan oo qaab-daran.  Unugyadaasi si aan kala go’ lahayn ayay u samaysmaan iyadoon loo baahnayn. Unugyadaas kansarka ahi ma qabtaan shaqadii ay ahayd inay qabtaan.
Marba marka ka danbeeya unugyada leukemiyadu waxay ciriiriyaan unugyadii caafimaadka qabay ee dhiigga,  waxayna aakhirka keenaan Dhiig la’aan, dhiig-bax iyo infekshino. Unnugyada leukeemiyadu waxay ka buuxsamaan qanjirada liimfaha oo ay barariyaan sida beeryarada.

Noocyada leukemia ama kansarka dhiigga

Waxaa jira noocyo badan oo leukemiya ah, laakiin guud ahaan waxaa loo kala kooxeeya leukemiyada hadba nooca unugyada cad-cad ee ay ku dhacday iyo sidoo kale xawliga ama degdega ay ku dhacayso leukemiyadu. Waxaa jira leukemia si gaabis ah qofka ugu dhacdo oo la yiraahdo chronic leukemia iyo mid si degdeg ah ku bilaabata oo la yiraahdo Acute leukemia. Inta badan carruurta waxaa ku dhacda leukeemiyada degdega ah.

Waxaa loo kala saaraa leukemia ama kansarka dhiigga:

  • Lymphocytic Leukemia: oo ah nooca asiiba habdhiska liimfaha oo ah qanjiro iyo dheecaano qayb ka  ah difaaca jirka.
  • Myelogenous Leukemia: oo ku dhaca unugyada laga sameeyo unugyada dhiigga ee kala ah cad-cadka, cas-caska iyo unugyada xinjiraynta ee Plateletska.

Haddaba marka la sii faahfaahiyo habka uu u dhaco kansarka dhiiggu waxay kala noqonayaan afartaan nooc oo Leukemia ah:

  1. Acute Lymphocytic Leukemia (ALL) :  Waa nooca si xawliga ah u hormara oo inta badan ku dhaca carruurta. Noocani xitaa dadka waawayn waa ku dhici karaa.
  2. Acute Myelogenous Leukemia (AML) : Waa nooca sida xawliga u hormara oo inta badan ku dhaca dadka waawayn. Noocani sidoo kale wuu haleeli karaa carruurta.
  3. Chronic  Lymphocytic Leukemia (CLL) : Noocaan leukemiyada ah waa kansar dhiig muddo iska jiitama oo qofku muddo iska wato cuudurka. Inta badan CLL wuxuu ku dhacaa dadka waawayn.
  4. Chronic Myelogenous Leukemia (CML) : Noocani inta badan wuxuu ku dhacaa dadka waawayn. Waxaa laga yaabaa sannado qofka inaysan calaamaduhu ka soo bixin ilaa cuddurku fido.

 

Calaamadaha lagu garto Leukemia ama kansarka dhiigga

  • Qandho dhaxan wadata iyo dhidid habbeenkii
  • Madax-xannuun iyo lafo iyo xubno xannuun
  • Ilmaha oo infekshino badan iskugu xig-xigaan
  • Qofka oo si fudud ku dhiig-baxa
  • Tabardaro joogto ah
  • Qanjirada luqunta, saracda, kilkilaha iyo beeryarada oo barara
  • Qofka oo caatooba
  • Baro yar yar oo gad-gaduudan oo maqaarka ka soo baxa.

 

Waxyaalaha horseedi kara leukemia ama kansarka dhiigga

Saynisyahanadu weli si fiican uma fahamsana sababta saxda ah ee keenta Leukemia,  laakiin waxay isku raacsan yihiin inay horseed ka yihiin cuddurkaan dhaxalka iyo saamaynada bii’ada. Waxaad qaadi kartaa haddii ay jiraan sababahaan:

  1.  Haddii uu ku gaaray Shucaaca ama radiation: oo ah falaaro shucaac wata oo gaaray qofka. Falaarahaas waxaa ka mid ah haddii ilmaha kansar kale looga gubo shucaac. Waxaa kale oo ka mid falaaraha shucaaca Raajada. Hooyooyinka uurka leh waxaa u fiican inay horay u sheegaan inay uur leeyihiin intaan baaritaano caafimaad sida raajada aan la saarin,  waayo falaaraha raajadu waxaa laga yaabaa inay ilmaha uurka ku jira waxyeeleeyaan.
  2. Haddii uu ku gaaray noocyo kiimiko ah sida benzene oo laga helo warshadaha sifeeya shidaalka.
  3. Haddii aad qaadato daawada kansar kale
  4. Haddii aad qabto down syndrome ama cudduro kale oo xagga hidde-sidayaasha ku dhaca.
  5. Haddii qoyskiina dad ka mid ah uu  heleelay leukemia
  6. Cabista sigaarka

 

Sababahaan kor ku taxan dad u dhawaada ama ku taxaluqa ayaa jira oo aan qaadin cuddurkaan kansarka dhiigga.

Hababka daawaynta Leukemiya

Daawaynta leukemia waxay ku xiran tahay siyaabo kala duwan oo ay ka midka yihiin nooca leukemia ee la qabo. Sidoo kale, da’da bukaanka iyo caafimaadka guud ee bukaanka ayaa dhaqtarku ku salayn karaa daawayntiisa.

Waa kuwaan noocyada daawaynta ee laga yaabo in dhaqtarku ku taliyo:

  • Daawayn kiimikaad oo dhaqtarku kuu qoraya daawo unnugyada kansarka ah dilaysa.
  • Shucaac ama radiation: oo ah falaaro xoog badan oo kuwa raajada ah oo kale oo unugyada kansarka ee leukemiyada lagu gubayo.
  • Daawayn bayoolojiyeed oo ah hab daawayn ah oo qofka la siiyo daawooyin kor u soo qaada difaaca jirka.
  • Stem cell transplant oo ah dariiqo qofka looga badalayo dhuuxa jirran oo loogu badalayo unugyo dhuux ah oo caafimaad qaba. Inta aan dhuuxa la badalin waxaa qofka la siiyaa daawayn kiimikaad iyo shucaac si loo baab’iyo unugyadii dhuuxa ee kansarka qabay.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: