Sunday, October 1
Shadow

Maalinta koowaad ilaa Asbuuca koowaad

Hambalyo wiil iyo caano … Hambalyo Gabar iyo caano

Hooyooyinka carruurta yar yar ee markaa la umulay waxay dareemayeen 9kii bilood ee la soo dhaafay culays iyo is-badalo jirreed oo marba heer soo marayay. Hooyooyinku marka ugu danbeeya ee ay umulayaan waxay darreemaan xannuun badan.   laakiin, markiiba xannuunka waxaa ugu xiga farxad iyo dhoola-cadayn marka umulisadu hooyada dhabta u saarto ilmaheeda.

Waxaan darsaynaa macluumaadka ilmaha dhashay hadda ilaa asbuuca ugu horeeya ee noloshiisa.

Muuqaalka ugu horeeya

Carruurtu marka ay dhashaan waa kuwo yar yar oo jirkoodu qoyan yahay. Waxaa ku dahaaran budo-xabeed ka difaaca ilmaha inta ay uurka ku jireen dheecaanka uu ilmuhu ku sabaynayay ee la yiraahdo Amniotic fluid.  Ilmuhu marka uu dhasho madixiisu waa mid dhuuban, oo ay sababtay madaxa oo soo marayay marinka dhalmada oo ciriiri ahaa.  laakiin, ha welwelin madaxu qaabka goobada ah ayuu ku soo noqonayaa asbuucyo ka dib.

Ilmo daqiiqado ka hor dhashay
Ilmo daqiiqado ka hor dhashay

Ilmaha la umulay hadda maqalkoodu waa caadi oo dhawaaqa dheer way ka bardadaan,  halka hooyadu codkeeda ku dejiso ilmaha marka ay ooyayaan. Sidoo kale, aragtida ilmaha la umulay waa mid kooban oo ilmuhu wuxuu wax ka arki karaa fogaan dhan 20-25cm. Ilmaha yari waxay jecel yihiin inay daawadaan ilayska iftiinka leh, waxay jecel yihiin midabada caddaanka iyo madoowga,  waxay daawadaan wajiga waalidkood haddii aad loogu soo dhawaado. Haddii aad fartaada geliso sacabkiisa  ilmaha yari wuu qabsadaa fartaada.

Miisaanka ilmaha

Miisaanka ilmuhu waa calaamad muujinaysa caafimaadkii iyo nafaqadii hooyada intii ilmuhu uurka ku jiray. Waxaa kale oo saamayn ku yeesha miisaanka carruurta qaabka jirreed ee waalidiinta. Celcelis ahaan carruurta dhasha wuxuu miisaankoodu u dhexeeyaa 2500 garaam ilaa 4000 garaam. Carruurta aan dhamayska ahayn waxaa laga yaabaa in miisaankoodu aad u hooseeyo.

Naas-nuujinta iyo quudsiga ilmaha

Naas-nuujintu waa habka ugu wanaagsan ee quudinta carruurta waayo caanaha naasku waxay ka kooban yihiin nafaqada danbarka(colostrum) oo ka kooban barootiino badanoo muhiim u ah in ilmuhu jirooyinka iska difaaco. Hooyooyinka cusub waxaa laga yaabaa maalin ama labo in aysan caanuhu si fiican u dararin. Marka ugu horaysa oo ilmaha gacanta laguu galiyo ilmaha naaska afka u gali. Xilligaan waxaa bilaabma xiriirka sokeeye ee hooyada iyo ilmaha. Markiiba maskaxdu waxay soo daysaa hormoono amraya nudayaasha naasaha inay diyaariyaan caanaha. Ilmaha yar yar calooshoodu way mug yar tahay sidaas awgeed, waxay u baahan yihiin in la quudiyo 2-3 saac oo kasta 24tii saac.

Carruurta yar yar maalmaha ugu horeeya waxay dhigaan saxarada la yiraahdo Malka oo ah saxaro midab jaalle leh. Waxaa laga yaabaa in ilmaha yar saxaroodo maalintii 8-10 jeer. Haddii ilmuhu hal mar saxaroodo maalintii waa haggaag oo welwel ma leh.

Xuddunta

Marka ilmuhu soo baxaan umulisadu waxay kala goysaa xarigii uu ilmuhu hooyadiis nafadaqada kaga qaadan jiray. Waxaa la soo reebaa gumud yar oo la gunto ama caag lagu qabto. Gumadka xudduntu wuxuu go’aa asbuuc ama labo asbuuc ka dib,  laakiin inta uusan go’in waxaa loo baahan yahay in la qalajiyo oo la nadiifiyo si aysan infekshan u qaadin.

Maqaarka

Ilmaha yar yar maqaarkoodu marka ugu horaysa waa qalayl ama duuduub buu leeyahay. Waxaa laga yaabaa inuu firfiriirac aan joogto noqonayn inuu yeesho. Waxaa laga yaabaa in jirka ilmaha ku yaalaan barro madoow ah.  Carruurta barraha jirkoodu leeyahay inta badan waxaa loo baxshaa magaca Barre ama Barreey.

Hurdada asbuuca ugu horeeya

Carruurta yar yar celcelis ahaan bisha ugu horaysa waxay seexdaan 16 saacadood maalintii. waaladiintu waxay ku wareeri doonaan hurdada ilmaha oo aan lahayn jidwal. ilmaha calooshooda oo aan mug lahayn wuxuu u baahanayaa in la quudiyo 2-3 saac kasta taas oo hooyada ku keenta habeenkii ugu yaraan inay toosto 4 jeer habeenkii. Waxaa jira carruur calooshu majiirto habeenimada oo aan seexan habbeenkii. Inta badan marka ilmuhu jiro 1-3 bilood hurdada ilmuhu waxay yeelataa jidwal caadi ah.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: