Friday, February 14
Shadow

Neef-qabatinka

Marka qofka caadiga ah ama ilmaha yar ay ku yaraato oksijiinta uu jirku u baahan yahay ayaa la dareemaa neef-qabatinka,  oo ah in naftii la harjadayso inay hesho hawo oksijiin ah oo la neefsado.  Sanka oo cabur owgiis xirma iyo jimicsi badan waxay keenaan in cunugu neefta boobo,   laakiin haddii ay muuqato in ilmuhu neefta si xun u jiidayo waxay tilmaamaysaa dhibaato caafimaad oo xun inay jirto.

Maxaa keeni kara neef-qabatinka

Waxyaalaha ama cuduradda keena neef-qabatinka carruurta waa badan yihiin, laakiin cudurka ugu saamaynta badan ee keena neef-qabatinka ayaa ah Neefta. Neeftu waxay timaadaa marka tuubooyinka neef-mareenka ay xasaasiyad awgeed ciriiri noqdaan amaba ku dhawaadaan inay xirmaan. Waxaa markaa dhib ilmaha ku noqonaysa inay neefta jiidaan.

Cuduradda kale ee sababa neef-qabatinka waxaa ka mid ah Nimooniyada(pneumonia), caabuq ku dhaxa habdhiska neefsashada, sanka oo xirma, shay ajnabi ah oo neef-mareenka isku gooya, iyo xasaasiyad ka timaada sumowga hawada iyo carruurta oo sigaar lagu ag cabo.

Calaamadaha lagu garto cunnug neef-qabatin hayo

Calaamada ugu horaysa waa cunuga oo sanka balooliya oo dulalka aad u kala balaariyo si uu raadiyo hawo dheeraad ah. Muruqyada luqunta oo fida si loo balaariyo marinka hawada.  Xabbadka ama feeraha cunnuga waxaa ka muuqanaya dhaqdhaqaaq ka badan kan caadiga ah oo sanbabka lagu kala jiidayo.

Goormaan kaalmo dhaqtar ama isbitaal raadsadaa

  • Haddii neeftu dhibayso cunnuga oo uu harjadayo
  • Haddii ay muuqato calaamad miyir-beel ah
  • Haddii midabka bishimaha,carrabka,maqaarka iyo ciddiyaha isku badalo baluug

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: