Sunday, October 1
Shadow

Neefta

Cuddurka neefta(Asthma) waa cuddur ka bilaabma xasaasiyadda ama alleejiga dadku ka qaadaan boorka, baranbarada iyo buska.  Haddii cunnugaagu leeyahay calaamadaha alleerjiga sida sanka oo cabura, indhaha oo cuncuna oo gaduuta, iyo hindhiso joogto ah wuxuu u nugul yahay inuu qaado neefta.   Maahan macnaheedu in calaamadaha sare ku qoran markaad ku aragto ilmahaaga inuu qaadi karo neefta,  waayo waxaa laga yaabaa in hargab wadada ku soo jiro. Sidoo kale qof leh alleerjik ma aahan macnaheedu inuu neef qabo, waayo waxaa jira qof allerjik leh laakiin aan qabin neefta. Dhakhaatiirta qaarkood waxay qabaan in waalidiintu Neefta si dhaxal ah ugu gudbiyaan qaar ka mid ah carruurtooda.

Waxaa la ogaaday in carruurta xasaasiyada leh 75%-80% ay aakhirka qaadaan neefta.

Sidee u dhacdaa neeftu?

Xasaasiyada ama alleerjigu waxaa kiciya  habka difaaca jirka (immune system). Sida joogtada ah difaaca jirka wuxuu la dagaalamaa marka jeermisku jirka soo galo si qofku caafimaad u helo. Laakiin, cunnug qaba xasaasiyad marka jirkiisa uu soo galo boor ama bus wuxuu difaaca jirkiisu dareemaa in boorkaasi yahay jeermis xun, oo ay tahay in lala diriro. Marka boorkii jirka soo galay lagu kacsho difaaca jirka waxaa soo baxa calaamadaha alleerjiga oo kala ah sanka oo uu duuf ka soo dareero,hindhiso, indhaha oo cuncuna, qufac iyo xabbadka oo laga maqlo sharqanta foorida. Dhuumaha neef-mareenka ayaa ciriiri noqda oo waxaa xira xab iyo barar taasoo keenta in cunnuga neefsashadii dhibto. Ilmaha neeftu haysto wuxuu kala balaariyaa dulalka sanka isagoo si khasab ah hawo ku raadinaya.

Haddii la dareemo in cunnugu qabo neefta waxaa muhiim ah in loo geeyo dhaqtar si loo ogaado walxaha iyo waxyaalaha ku kacsha neefta. Marka cunnugu dareemo waxyaalaha kacsha neefta sida siigada,boorka,baranbarada,dufta bustaha, dhogorta xayawaanka iyo saalada xoolaha, haddii xasaasiyadu kor u kacdo waxaa la yiraahdaa Allergic Asthma ama neefta aleerjigu keeno. Waxaa jirta xasaasiyad kacda marka xilliga iyo jawigu isbadalo oo la yiraahdo Seasonal allergies.

Maxaa kale oo kacsha neefta?

Waxyaalaha kale ee suuragalka ah ee kacsha neefta waxaa ka mid ah jawiga oo qabooba, sigaar lagu ag cabo carruurta iyo viruska keena hargabka. Waxaa kale oo jira nooc neef ah oo la yiraahdo neefta jimicsiga oo ah marka ilmuha neefloowga ah gaaro inuu ordo oo ciyaaro ayay ku kacdaa neeftu.

Sidee loo daaweeyaa neefta carruurta?

Haddii cunnugaaga lagu xaqiijiyay inuu qabo neef waxaad u baahan tahay inaad la shaqayso dhaqtarkaaga si aad ugu jeexdid Istaraatiijiyad lagaga hortagayo neefta ama loo daawayn lahaa marka ay qabato cunnuga. Ugu horayn fahan ama goob waxyaalaha gaarka ah ee kacsha neefta cunnugaaga. Qaar ciyaalka ka mid ah neefta waxaa ku kacsha xilliga qaboowga, qaarna waxyaalaha xasaasiyada keena sida cabida iyo urta sigaarka.

Daawayn

Waxay aad ugu dhawdahay in dhaqtarkaagu u qoro ilmaha daawooyin buufin ah oo afka lagu buufinayo si daawado u gaarto sanbabka, oo ay u joojiso weerarka neefta. Daawadu marka ay gaarto sanbabka waxay dabcinaysaa muruqyada habdhiska neefsashada ee urursanaa oo ciriiriga ahaa. Markaas ka dib waxaa uu cunnugu dareemayaa marinkii hawada oo furmay iyo neefsashadii oo caadi ku soo noqota. Daawooyinkaas waxaa ugu caansan tan la yiraahdo Albuterol.

Ka hortaga weerarka neefta

  • Ka taxadar in cunnugu la kulmo boorka iyo buska. Joodariga cunnuga ku dahaar bac uusan boorku joodariga u gudbi karin. Asbuuciiba mar mayr gogosha kale ee cunnuga.
  • ka fogee cunnuga meel sigaar lago cabayo waayo qiica sigaarku wuxuu kacshaa xasaasiyada.
  • Waxaa laga yaabaa qaar ka mid barafuunada,air freshenerka iyo sunta buufiska ah ee cayayaanka inay kiciso neefta cunuga ee ka ilaali noocyada uu dhibsado.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: