Qaaxada ama TBdu waxay ka mid tahay cuddurada dilaaga ah ee ku dhaca carruurta iyo dadka waawaynba. Waxaa TBda keena nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Mycobacterium tuberculosis, oo weerarta Sanbabada, kelyaha, lafaha iyo maskaxda.
Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, sida ay sheegtay WHO, sannad walba waxaa qaada Qaaxada hal milyan oo carruur ah, kuwaas oo 400,000 oo kamid ahi u geeriyoodaan cuddurka.
Inta badan Tbdu waxay ku dhacdaa sanbabada. Cuddurkaan waa cuddur aad u fida oo la is-qaadsiiyo. Wuxuu fidaa marka qof jiran qufaco ama hindhiso oo uu hawada galiyo jeermigii baakteeriyada ee Qaaxada keenayay. Marka qof caafimaad qaba neefsado hawada ay la socotay baakteeriyada ayaa laga yaabaa inuu qaado cudurka.
Cuddurka qaaxadu wuxuu maraa labo heer oo kala ah caabuqa TBda iyo Cuddurka TBda. Haddii ilmahu caabuq qaaxo qabo macnaheedu waxa weeye in jirka ilmaha ay soo gashay saami yar oo baakteeriya ah, difaaca jirkuna ku filan yahay inuu baabi’iyo caabuqaas. Laakiin, haddii uu yimaado cuddurka qaaxadu waa iyadoo jirka ay aad ugu tarantay baakteeriyadii oo markaas ay yimaadeen calaamadihii lagu yaqaanay TBda.
Cuddurka qaaxada inta badan waxaa u nugul inay ku dhacdo:
- Carruurta aan laga tallaalin qaaxada
- Carruurta la il-daran nafaqo-darrada
- Carruurta difaaca jirkoodu uu hoos u riday cuddurka HIV.
- Dadka ku nool xaafadaha isku raranta ah, ciriiriga ah oo nadaafadu ku yar tahay
- Carruuta ku nool guri uu ku nool yahay qof wayn oo qaaxo qaba.
Calaamadaha lagu qarto qaaxada ama TBda
- Qufac ka badan 3 asbuuc oo yimaada inta badan saacadaha danbe ee habeenkii
- Qandho joogto ah iyo cunto-qaadashada ilmaha oo hoos u dhacda
- Miisaanka ilmaha oo hoos u dhaca iyo tabardarro
- Xaako laga yaabo inuu soo raaco dhiig
- Dhidid habeenkii ah.
Sidee lagu ogaadaa qaaxada
Dadka waawayn ama carruurta roon-roon inta badan waxaa laga qaadaa saddex jeer xaako la geeyo shaybaarka si loo ogaado in TB jirto iyo inkale. Waxaa kale oo la saaraa qofka looga shakiyo inuu TB qabo raajo oo la ogaan karo raadadka qaaxada. Meelaha qaarkood waxaa jira irbad(jeermiga TBda) baaritaan ah oo maqaarka ilmaha gacanta looga dhufto. 72 saac ka dib ayaa la ogaadaa jawaab-celinta jirka ka sameeyay tallaalkii TBda ee lagu duray.
Carruurta aadka u yar yar lagama helo xaako, waayo haddii ay jirto xitaa way liqaan. Sidaas awgeed, tuubo sanka ka tagta oo tagta caloosha(Naso-gastric Tube) ayaa dheecaanada caloosha joogga, oo laga yaabo inay ka mid tahay xaakadii, la soo nuugaa, dabadeedna shaybaarka lagu soo baaraa.
Daawaynta TBda
Dhakhaatiirtu waxay codsan karaan in ilmaha la seexsho isbitaalka haddii ay dereemaan baahiyaha kala ah:
- In ilmuhu aad u da’ yar yahay
- In ay jiri karto xasaasiyad daawooyinka Tbda
- In ilmuhu qabo jirrooyin kale oo ka baxsan qaaxada.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan carruurta waxaa la daawayn karaa iyaga oo gurrigooda joogga. Daawaynta Tbdu ugu yaraan waxay u baahan tahay lix bilood xiriir ah inay socoto, oo ilmaha la siinayo daawooyin la isku daray.
Digniin: Cuddurka Tbda wuxuu samaystaa inuu adkaysi u yeesho daawooyinka, oo aysan daawooyin waxba ka tarayn daawaynta cuddurka haddii la joojiyo daawaynta inta uusan joojin dhaqtarka. Sidaas awgeed waalidiinta waxaa lagula dardaarmayaa inaysan joojin daawada TBda xitaa haddii calaamadaha qaaxadu baaba’aan.
Ka hortaga Qaaxada ama TBda
- Ka tallaal carruurta yar yar TBda, waxaa laga helaa tallaalka BCG dhamaan goobaha caafimaadka.
- Dadka qaba cuddurka Tbda waa in laga karantiilaa meelaha carruurtu joogto ama ku nooshahay.
- Meelaha carruurtu ku nooshahay sida gurigooda ama iskuulka waa in ay noqotaa meel leh hawo is dhaafaysa leh(good ventilation)
- Daryeelka guud ee carruurta oo kor loo qaado sida nadaafada iyo nafaqada.
[…] qandho yar iyo dhidid iyo qufaca oo soo socday in ka badan 3 asbuuc, in markaas laga fakaro in Qaaxo ama TB laga […]