Qufacu waa calaamad muujisa in jirro ama caabuq ka jiro habdhiska neef-mareenka ee Carruurta. Qufacu waa darreen xoog leh oo sanbabka, sanka iyo hunguriga cad isaga soo saaraan wax ka kasta oo jirka dhib u keeni kara. Waa calaamad guud ah oo ku caan ah carruurta qabta neefta iyo qaar-jeexa(pneumonia), hargabka iyo wixii la mid ah. Cunnug qaba neef waxaa suuragal ah inuu qufaco si uu isaga soo saaro xabka buuxinaya dhuumaha yar yar ee ciriiriga noqda marka xasaasiyadi timaado. Qaar ka mid ah carruurta qufacu wuxuu noqon karaa calaamada kaliya ee muujisa in cunugu qabo neef.
Maadaama qufacu uu yahay difaac dabiici ah oo jirka aadamigu isaga soo saaro jeermis ama xasaasiyad dibada uga timaado, ayaa haddana cunnugu qufacayaa dhib wayn soo gaartaa haddii aan la daawayn. Haddaba si aad u fahanto noocyada qufacyada ee ku dhaca carruurta waxaan hoos ku soo gudbinaynaa qufacyada ay tahay inaad cunnugaaga dhaqtar u gayso.
Qufac xabeeb wata.
Inta badan qufacaan wuxuu ku dhacaa qaybta kore ee habdhiska neef-mareenka sida hunguriga cad ee neeftu marto iyo halka codku ka soo baxo. Qufacaan xabeebta iyo qaylada leh inta badan waa mid qalalan, inta badana waxaa keena jeermiska viruska. Mararka qaar waxaa keena xasaasiyadda iyo marka jawiga hawada habeenkii is badalo. Carruurta yar- yar neef-mareenkoodu aad ayuu u yar yahay oo haddii caabuq ama barar ku dhaqo waxaa laga yaabaa in neef-qabatin ku dhaco. Qufacaan xabeeblaha ahi wuxuu ku bilaabmaa si degdeg ah xilliga habeenkii saqda dhexe, wuxuu yeeshaa sharqan dheer oo la dareemayo in cunnugu hawada si dhib leh ku qaadanayo.
Qiix-dheerta
Qiix-dheerta ama xiiqda waxaa lagu yiraahdaa whooping cough ama Pertussis wuxuu ku dhacaa habdarrhiska neef-mareenka waxaana keena nooc Baakteeriya ah oo la yiraahdo Bordetella pertussis. Carruurta qabta xiiqdu waxay la kulmaan qufac aan kala joogsi lahayn oo xitaa ilmaha u diida inuu neefsado. Aaakhirka ilmuhu wuxuu qaataa neef-qaadsho dheer oo keenta sharqanta caanka cudurku ku yahay ee xiiqda.
Inkastoo qiix-dheertu da’ kasta ku dhici karto haddana waxaa ugu nugul carruurta ka yar halka sanno oo haddii aan la talaalin galaafan karta nolosha ilmaha yar. cudurka xiiqdu waa mid aad u fida sidaas awgeed waa in ilmaha la talaalaa marka uu jiro labo bilood,afar bilood, lix bilood iyo aakhirka marka cunnugu gaaro 15 billood. Talaalka xiiqda waxaa la isla siiyaa oo lagu daraa kuwa teetanada iyo gawracatada.
Qiix-dheerta waxaa lagu kala qaadaa neefta,dheecaan ka yimid qufac ama hindhiso qof qaba xiiqda oo gaaray ilmo kale.
Qufac foori ah
Haddii cunnugu sameeyo qufac foori ah marka uu neefta banaanka isaga soo saarayo waxay taasi muujinaysaa in ilmuhu la il-daranyahay caabuq qaybta hoose ee neef-mareenka sida tuubooyinka sanbabka. Waxaa quafacaan keeni kara neefta ama jeermiska Viruska.
Qufaca habeenkii
Qufacu wuxuu sii daraadaa habeenkii, tusaale ahaan, marka cunnug qaba hargab ama durrey uu seexdo dheecaanadii sanka iyo moqorada madaxa ka imaanayay ayaa xira neef-mareenka. Inta badan qufacaani ilmaha hurdada ayuu u diidaa. Waxaa kale oo laga yaabaa in ilmaha haddii uu saacadaha danbe ee habeenkii qufaco, oo uu yeesho qandho yar iyo dhidid iyo qufaca oo soo socday in ka badan 3 asbuuc, in markaas laga fakaro in Qaaxo ama TB laga shakiyo.
Qufac Qandho wata
Ilmo la il-daran qandho ladifan iyo qufac inta badan waxaa la qiyaasaa inuu jiro hargab ama durrey u baahan nasaho iyo fuuq-celin, laakiin haddii ay jirto qandho ka saraysa 39C iyo boobsiis xagga neeft ah, waxaa farta lagu fiiqaa inuu jiro Nimooniya. Waxaa habboon in markiiba ilmaha lala gaaro goob caafimaad.
GOORMA AYAY HABBOON TAHAY INAAD DHAQTARKA U YEERTO AMA ILMAHA ISBITAALKA GAYSO
- Haddii ilmuhu neef-qabatin leeyahay oo neeftu ku dhagan tahay.
- Haddii midabka jirtka sida bushimaha,carrabka iyo wajigu isku badalo baluug.
- Haddii ilmaha ay isagu darsamaan qandho sare iyo qufac.
- Haddii ilmaha qandhan uu ka yar yahay 3 billood.
- Haddii qufaca ilmuhu yahay mid xiiq, sharqan badan leh oo foori leh.
- Haddii ay jiraan fuuq-bax,tabardaro iyo oohin badan.
[…] neefsashada oo ay ku jiraan Sanbabada iyo tuubooyinka hawadu marto. Waxay ku caan tahay nooca qufaca ah ee xiiqda oo ah marka qufacu isku xigxigo, oo uusan kala go’ayn. Xiiqdu waa marka ay soo […]