Friday, February 14
Shadow

Qumanka – Tonsilitis

Dhabarka danbe ee hungurigaaga waxaa ku yaal qumankaaga. Labada kubadood ee qumanku waxay ku kala yaalaan labada dhinac ee bidixda iyo midigta. Shaqada qumanka waa inay jirka ka difaacaan jeermiska ka soo gala sanka iyo afka. Mararka qaar qumankii wax difaacayay ayaa jeermigu ka adkaadaa oo laftigoodii ayaa caabuq galaa,  markaas ayay timaadaa quman-barar ama Tonsilitis.

Qumanka- Courtesy of www.drugs.com/
Qumanka- Courtesy of www.drugs.com/

Maxaa keena Qumanka?

Sidaan horay u sheegnay waxaa keena qumanka marka ay caabuqaan qanjirada qumanku. Inta badan waxaa keena jeermiyada Baakteeriya iyo Fayraska. Noocyada fayrasyada ee keena hargabka ayaa u gudba hunguriga iyo qumanka, sidoo kale Nooca baakteeriyada ee la yiraahdo Group A streptococcus ayaa ah nooca ugu balaaran ee keenta qumanka.

Cuddurka qumanka – Tonsilitis  si xun baa la isagu gudbiyaa oo meelaha iskuulada iyo dugsiyada carruurtu iyo xitaa qoysaska waa ku kala qaadaa. Waxaa lagu kala qaadaa qufaca, hindhisada iyo taabashadaba. Cuntada la wadaago sida cabitaanada ayaa si aad ah laysugu gudbiyaa qumanka.

Calaamadaha Qumanka

Haddii ilmuhu qabo qumanka cunnahooda waxay ka dareemaan xannuun badan, oo keena inaysan wax liqi karin ama cabi karin. Waa kuwaan calaamado kale:

  • Barar iyo gadduutan badan oo ay qumanku yeeshaan.
  • Qandho saa’id ah.
  • Qanjirada luqunta oo barar yeesha.
  • Ur aan carfoonayn oo afka ka soo baxda.
  • Qufac iyo xabeeb.
  • Mararka qaar Matag, lallabo iyo callool xannuun.

 

Sidee loo daaweeyaa qumanka?

Haddii qumanka la ogaado in baakteeriya keentay waxaa loo qoraa ilmaha daawo Anti-biyootig ah,  oo la dagaalamaysa infekshinka baakteeriyada. Sidoo kale,  waxaa ilmaha la siin karaa daawooyinka Paracetamool oo daaweeya qandhada iyo xannuunka iyo ipubrufen oo loo isticmaalo ka hortaga bararka, qandhada iyo xanuunka.

Haddii la ogaaday in fayras keenay qumanka waxaa ilmuhu u baahan yahay qandho jabin,  fuuq-celin iyo nasaho, waayo jirka ayaa iska difaacaya fayraska.

Haddii ilmuhu uusan helin daawayn, gaar ahaan marka qumanka ay sababeen baakteeriya waxaa laga yaabaa in jirrooyin kale ku dhacaan ilmaha sida kasoo-bax qumanka ku dhacda, rheumatoid arthritis oo waxyeesha wadnaha iyo xubnaha iyo menengitis oo maskaxda ay baakteeriyadii u gudubto.

Sii ilmaha waqti ku filan oo ay nastaan. Ilmaha qumanka qabaa waa dhibsadaan inay wax liqaan xannuunka awgiis,  sidaas awgeed xaqiiji ilmuhu inuu wax cabayo ama cunayo haba yaraadeen waxa ka degayaa.

Xaqiiji nadaafada guud sida gacmo-dhaqashada marka ilmuhu dugsiga ama iskuul ka yimaadaan. Sidoo kale ku dhiirigali carruurta inaysan wadaagin cabitaanka mar walba dugsiga ama gurigaba.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: