Saturday, September 30
Shadow

Saabuunta Antibiotiga ah ma dhaantaa saabuunta caadiga ah

Dhawaan waxaa qarxay muran ku aadan in saabuunaha antibiyootiga ah sida Dettol iyo Protex ay dhaamaan saabuunta caadiga ah ee ama lagu qubaysto ama lagu gacmo-dhaqdo. Sida caadiga ah saabuuntu waxay aadamiga u qabataa labo shaqo oo muhiim ah oo kala ah inay jirka ka nadiifiso wasakhda iyo inay jeermiga halista ah ka hortagto inuu fido.

Inta aanaan doodda u galin aanu fahano waxa ay ka samaysan tahay saabuuntu, sida loo diyaariyo iyo sida ay u shaqayso. Marka la diyaarinayo saabuunta kiimiko ahaan waxay ka samaysan tahay isku-darka Aasiid(acid) iyo dux iyo triglyceride isku laban(Aalkali). Waxaa la isku daraa Aasiidka fatty acid iyo alkaliga la yiraahdo Sodium peroxide(NaOH).

Marka labadaan isku-dhis la isku barxo ayoonada duxdu waxay ka go’aan triglycerideska waxayna ku qasmaan ayoonada haydarogsiytka si ay u soo baxdo nooc cusbo ah oo ah saabuunta aanu isticmaalno.

Saabuuntu waxay qabataa labo shaqo oo kala ah:

  • Inay sibiibix ka dhigto oogada marka biyo la mariyo.
  • Inay isku dabarto wasakhda, Dufanka, Viruska iyo baakteeriyada .

 

Saabuuntu waxay ka samaysan tahay moolikayuulo soo jiita biyaha oo ku milma iyo moolikayuulo biyaha dul sabeeya oo aan ku milmin. Moolikayuulada fatty acidska ayaa biyaha soo jiita dabadeedna dabra wasakhda, dufanka iyo baakteeriyada,  dabadeedna waxay isku noqdaan wax aan biyaha ku milmi karin oo ay tahay in la biyo-raaciyo.

Halkaas waxaan aragnay in saabuunta caadiga ah marka loo isticmaalo biyo caadi ah ay dhaqayso wasakhdii iyo baakteeriyada,  laakiin halkaas laguma dilin baakteeriyadii.  Sannadahaan danbe waxaa la soo saaray saabuuno iyo shaanbooyin lagu laray kiimiko anti-bacterial ah oo la yiraahdo  Triclosan.

Saabuunta anti-biotiga ah inta badan Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa noocyada Dettol iyo Protex oo laga soo dhoofiyo wadamada Carabta iyo Kenya.

Dettol
Saabuunaha Dettol iyo Protex oo laga isticmaalo Geeska Afrika oo isticmaalkooda su’aali ka timid.

protex

Dooddaha ka taagan saabuunta antibiotiga ah

  • Sida ugu habboon waa inuu qofku, tusaale ahaan,  marka uu gacmaha ku dhaqanayo shaambada ama saabuunta anti-biotiga ah uu sugo ilaa dhawr daqiiqo in saabuunta oo ubrinaysa ay gacmihiisa joogto. Dad badan dulqaadkaas ma lahan oo iyadoon saabuuntii daawaysnayd falgalin oo dilin baakteeriyadii ayay dhaqaan.
  • Saynisyahano badan waxay aaminsan yihiin saabuuntaan daawaysani inay keento baakteeriyadu inay difaac samaysato oo ay soo baxdo baakteeriyda adkaysi leh(Resistant bacteria).
  • Waxaa jira dooddo caafimaad oo sheegaya in kiimikooyinka lagu daaweeyo saabuunta inay faragaliyaan habka hormoonada ee jirka.
  • Waxaa jira noocyo baakteeriya ah oo saaxiib la ah jirka aadamiga oo weliba qaarkood ka difaacaan jeermiyo kale sida Fungalka oo haddii la dilo dhamaan baakteeriyada ay jirka dhib ku imaan karto.
  • Inta badan waxa cudurada horseeda ayaa ah noocyada Fayrasyada(Viruses) oo aysan Saabuunta anti-biotiga ahi dili karin.

 

Bartamihii bishii Disembar 2013 ayaa hay’ada Maraykanka ugu xilsaaran Daawooyinka iyo cuntadu(FDA) waxay su’aal ka keentay waxtarka saabuunta antibiotiga ah iyo waxyeelada ay jirka aadamiga u keeni karto.  Cilmi-baaris muddo ka badan 40 sanno ay saynisyahanada dowlada Maraykanku samaynayeen ayaa waxaa lagu ogaaday inaysan jirin wax cadaynaya  in saabuunaha antibiotiga ah dillaan jeermiska.

Sidoo kale, Saynisyahanada hay’adaasi waxay soo bandhigeen in maadooyinka ay ka mid tahay Triclosan oo ku jirta saabuunta antibiotiga ah ay faragalin ku samayso heerarka hormoonada xayawaan lagu tijaabiyay maadooyinkaas.   Hay’ada Cuntada iyo daawooyinka ee Maraykanku waxay ku amartay dhamaan shirkadaha sameeya saabuunaha iyo shaanbooyinka antibiotiga ah inay la yimaadaan cadaymo dhab ah oo tusaya waxtarka saabuunahaan daawaysan.

Haddii marka shirkadaha sameeya saabuunaha daawaysan ay la imaan waayaan wax loo qaateen ah oo muujinaya inaysan saabuunahaani khatar u keenayn jirka aadamiga,  waxay noqonaysaa in gebi ahaanba la joojiyo isticmaalka saabuunta anti-biotiga ah.

Waxaan muran ka taagnayn laakiin in Saabuunta caadiga ah iyo biyo caadi ah ay ku filan yihiin inay wasakhdii, dufankii iyo baakteeriyadiiba ay ka tirtirayaan jirka iyo dharkaba.

Waalidiinta waxaan ku boorinaynaa inay carruurtooda baraan muhiimada gacmo-dhaqashada markasta oo ay malcamada ama iskuulka ka yimaadaan, kadib isticmaalka musqusha iyo mar walba ka hor inta aysan cuntada cunin. Sidoo kale, waalidiinta carruurta yar yar haysata waa inay gacmahooda mayraan mar kasta oo ay musqusha isticmaaleen ama ka hor inta aysan ilmaha yar cuntada u diyaarin.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: