Shubankaan uu keeno Rotavirus waa shubanka iyo jirrada ugu khatarsan ee carruurta ka yar 5ta sanno u dira isbitaalada sannad kasta. Adduunka Jirrooyinka isbitaalada lala seexsho carruurta 50% waxaa keena Rotavirus. Sidoo kale, sannad walba wuxuu galaaftaa carruur dhan 450,000 oo carruur ah oo inta badan ku nool dunida soo koraysa.
Soomaaliya in kasta oo aysan cilmi-baaris iyo Staatiistik sax ah oo ku aadan Rotavirus, haddana shaki kuma jiro inuu ku laayo carruur badan.
Rotavirus wuxuu carruurta ku keena shuban khatar ah, qandho iyo matag oo horseedi kara in ilmuhu geeriyoodo.
Ugu yaraan cunnug kasta oo dunida ku nool oo gaara da’da 5 sanno hal mar ayuu ku dhacaa fayraskaani, dabadeed jirku wuxuu u samaystaa difaac oo haddii mar kale ilmaha uu ku dhaco uma khatar badna sidii hore.
Cuddurkaan waxaa la isagu gudbiyaa marinka saxarada-afka, oo ah marka ilmaha saxaro laga mayray ama musqusha lagu saxarooday oo uu gacmaha fayrusku soo raaco aan si fiican la isaga mayrin, dabadeedna cunto gacmaha lagu cuno oo fayruskii afka qofka ka galo ilaa calooshana uu gaaro.
Calaamadaha lagu garto Rotavirus
- Shuban xiriira ama marar badan yimaada
- Qandho sare
- Matag iyo callool majiir iyo la-labo
- Caabuq ku dhaca habdhiska dheefshiidka sida caloosha iyo mindhicirada
- Calaamadaha fuuq-baxa sida haraad, daal, nush-nushleyda oo degta, xanaaq iyo tabardarro.
- Mararka qaar carruurta fayrasku wuxuu ku keenaa sanka oo duufa iyo qufac.
Daawaynta Rotavirus
Carruurta shubmaysa waxay u baahan yihiin in laga ilaaliyo inay fuuq-baxaan iyadoo la siinayo cabitaanka la yiraahdo ORS oo ka kooban sonkor iyo macdanaha sida cusbada oo kale. ORS waxaa laga helaa goobaha caafimaadka sida MCHyada.
Carruurta yara fuuqbaxday waxay u baahan yihiin in la seexiyo isbitaalka, si xiddidka looga siiyo faleembooyin soo celiya fuuqa. Carruurta shubmaysa uma fiicna in la siiyo cabitaanada warshadaysan sida soodhada oo kale waayo kuwaasi inay shubankii sii kordhiyaan baa suuragala. Ilmaha waa in loo sii wadaa naas-nuujinta.
Dhaqaatiirku waxaa laga yaabaa inay ilmaha baaraan saxaradiisa iyo dhiiggiisa si loo xaqiijiyo in shubanka uu keenay Rotavirus ama baakteeriya. Haddii la xaqiijiyo in shubanka rotavirus keenay lama siinayo Anti-biyootiga waayo daawadaani ma daawayso fayraska.
Ka hortaga Rotaviruska
Habka ugu wanaagsan ee looga hortago fayraskaani waa in ilmaha la siiyo talaalka Rotaviruska, oo ilmaha ka difaacaya inuu ilmaha ku keeno shubanka iyo mataga. Tallaalka Rotaviruska waxaa ilmaha laga siiyaa afka 3 jeer ka hor inta ilmuhu uusan gaarin 8 billood. waxaa ugu wanaagsan in la kala siiyo marka ilmuhu kala jiro 2 billood, 4 billood iyo 6 billood.
Nadaafada guud in la hagaajiyo oo mar walba la mayro gacmaha marka la isticmaalo musqusha iyo inta aan la quudin carruurta iyana waxay ka hortagtaa in fayrasku faafo.
[…] virusyada ah ee kala ah rotovirus, adenovirus, calicivirus, astrovirus, iyo influenza waxay keenaan shuban iyo weliba matag iyo […]