Friday, February 14
Shadow

Sonkorowga – Diabetes Millitus

Kaadi-sonkorowgu waa cuddur ka yimaada marka dhiigga ay saa’id ku noqoto xaddi badan oo sonkor ah. Nooca la yiraahdo type 1 Diabetes wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta, halka Type 2 diabetes uu ku dhaco dadka waawayn marka ay gaaraan inta badan sannada afartanaadka.

Marka ilmuhu ama wax cuno ama cabo habdhiska dheefshiidka ee jirku wuxuu shiidaa cuntadii la cunay oo ka dhigaa sonkor khafiif ah oo la yiraahdo Glucose. Nudayaasha iyo unnugyada jirku sonkorta Glucose ayay u isticmaalaan shidaal ahaan si loo sameeyo tamar iyo enerji.

Glucoseka waxaa la raaciyaa dhiigga halkaas oo uu hoormoonka Insulin xanbaaro si unug kasta meesha uu jooggo loogu geeyo,  oo markaas loogu isticmaalo tamar iyo korriinka carruurta. Insuliinta waxaa lagu tilmaamaa gaari xamuul oo sonkorta unnug kasta meeshiisa ugu gaynaya.

Hormoonka Insulin waxaa sameeya qanjirka la yiraahdo Ganaca(pancreas) oo ku yaala caloosha gadaasheeda. Qofka caafimaadka qaba  si ootamaatik ah ayuu ganacu u soo saaraa xaddiga insulin ah ee jirku u baahan yahay.

Nooca koowaad ee sonkorowga qanjirka ganacu ma soo daayo wax insulin ah, halka nooca labaad ee sonkorowgu qanjirku soo daayo insulinta,  laakiin jirku uusan dheefsan karin ama dhuuqi karin. Labada noocba waxay keenaan in glucose ama sonkortii laga soo dhiraandhiriyay cuntadii la cunay ay sabayso dhiigga,  iyadoo wayday hormoonkii Insulin ee unugyada jirka u qaadi lahaa.

Aakhirka waxay noqonaysaa in jirku sonkortii sabaynaysay ee saa’idka ahayd ay kelyuhu kaadi ahaan u saaraan. Waa taas marka kaadidu macaanaato oo uu yimaado kaadi-sonkorow. Sidoo kale, sonkortii la dheefsan waayay waxaa loo saaraa dhidid ahaan oo ilmaha qaba sonkorta maqaarkiisu waa dhegdheg sonkori dhididka soo raacday.

Cuddurka Sonkorowga waa la kontarooli karaa haddii daawo joogto ah iyo qiimayn lagu hayo carruurta qabta. Haddiise aan la siin daawayn waxaa laga yaabaa inay u horseedo carruurta qabta cuddurka jirrooyin kale oo ay ka midka yihiin Indho-beel, cuddurada kelyaha, cuddurada wadnaha, lafaha oo khafiifa, nabro jirka ku dhaca oo buskoon waaya iyo cuddurada maqaarka.

Maxaa keena Sonkorowga

Nooca koowaad ee Sonkorowga oo inta badan ku dhaca carruurta sida qaalibka ah lama yaqaan sababta saxda ah ee keenta.  Dadka ku taqaqusay sonkorowga waxay aaminsan yihiin inuu ka imaan karo hab jirka binu-aadamku uu iskiis  isula diriro(Autoimmune disease) oo difaaca jirku burburiyaan unugyada ganaca ee sameeya insulinta. Qaar kale waxay aaminsan yihiin inuu yahay cuddurkaani mid la iska dhaxlo oo ku taxaluqa hiddaha(Genes).

In Ilmuhu aad u cayilo oo haddana uusan samayn jimicsi waxay horseedi kartaa in sonkorowgu yimaado. Waxaa jirta sheeko-baraley la yiri haddii qofku sonkor badan isticmaalo ama ilmuhu qariido sonkor badan in sonkorow ku dhacayo qofka – Sheeko baraaleeydaas waxba kama jiraan.

Calaamadaha lagu garto sonkorowga

Haddii ilmahaaga calaamadahaan hoose midkood ama labo uu la yimaado markiiba la xiriir Isbitaalka ama dhaqtarkaaga:

  • Haraad aad saa’id u ah
  • Kaadi aad u badan
  • Cunto-qaadashada ilmaha oo kororta
  • Miisaanka ilmaha oo si degdeg ah hoos ugu dhaca ama ilmaha oo caatooba
  • Daal iyo tabardaro
  • Urta afka ilmaha ka soo baxda oo u  urta sida khudaarta, aalkolada.

 

Daawaynta sonkorowga

Mar haddii lagu xaqiijiyay ilmaha sonkorowga  waa nooca koowaad oo ganacu uu gebi-aahanba joojiyay soo-saarista insuliinka.  Nooca koowaad ee sonkorowgu waa jirro khatar ah oo u baahan in heerka sonkorta ee jirka ilmaha si joogto loola socdo. Waxaa jira qalab ama saacado lagu cabiro heerka sonkorta mar walba.

Ilmuhu wuxuu u baahanayaa in lagu duro irbada insuliin. Inta jeer ee maalintii la siinayo iyo xaddiga la siinayo labadaba waxaa go’aan ka gaaraya dhaqtarkaaga.
Carruurta qabta sonkorowga waxay u baahan yihiin in wax laga badalo habka cunto-qaadashadooda, tusaale ahaan in la yareeyo cuntooyinka kaarboon-haydarateka leh sida sonkorta, baastada , bariiska , rootiga. Sidoo kale,  loo badiyo cuntooyinka barootiinku ku badan yahay sida digirta, loowska,caanaha, hilibka iyo khudaarta.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: