Inta badan carruurta yar yar ilkaha ugu horeeya ee la yiraahdi ilko-caanoodka waxay u soo baxaan marka ay jiraan inta u dhaxaysa 3-7 bilood dhexdood. Cilmi ahaan aas-aaska ilkaha waxay horayba u bilaabatay intii ilmuhu ku jiray uurka. Qaar ka mid ah ubbadka ilkuhu waxaa laga yaabaa inaysan u soo bixin ilaa inta ay ka gaarayaan hal sanno. Marar dhif iyo naadir ah qaar carruurta ka mid ahi marka la umulaba waxaa lagu arkaa iyagoo ilko leh. Qaar kale oo carruurta ka mid ah asbuucyo ka diba ilkaha ugu horeeya ayaa u soo baxa.
Ilkuhu waxay ka soo dilaacaan cirridka ilmaha iyagoo mid mid u soo baxa markiiba. Waxaa ugu soo hor baxa foolasha yar yar ee hore ee daanka hoose. sida caadiga ah 4-8 asbuuc ka dib waxaa soo baxa foolasha iyo miciyaha kore. Ilaa qiyaastii bil ka dibna waxaa soo baxa miciyaha geesaha ah ee daanka hoose, aakhirka ayaa waxaa soo baxa gowsaha oo u fiican shiidida cuntada.

Ilmuhu marka ay u dabaaldegaan sannadguuradooda saddexaad waxaa u soo baxday 20 illig. Ilka-caanoodku waxay bilaabaan inay daataan marka ilmuhu gaaro da’da lixda sanno.
Waxaa jira sheeko-baraley Soomaalida caan ku ah oo la leeyahay ilmaha qaar waxaa ka soo baxa wax la yiraahdo Ilko-dawaco. Hooyooyinka qaarkood waxaa lagu duufsadaa in ilko-dawacadu keento shuban iyo matag, sidaas awgeedna loo geeyo qof sancoole ah oo ilmaha ka saara ilko-dawacada si shubanku u istaago.
Sheeko-baraleydaas Waa BEEN aan sal iyo raad toona lahayn, waayo ma jiraan wax la yiraahdo ilko-dawaco ee waxaa laga yaabaa illigii saxda ahaa ee ilmaha u soo baxay in laga tuuro, oo weliba qalab aan nadiif ahayn la isticmaalo oo ilmaha cudurka teetanada ku rida. Fadlan Hooyo ilko-dawaco inaysan jirin u gudbi asxaabtaada iyo qoyskaaga.
Calaamadaha carruurtu dareento marka ilkuhu soo baxayaan
Qaar ka mid ah dhalaanka waxay la yimaadaan cabasho, oohin, xanaaq iyo cuntada oo ay diiddaan. Waxaa sabab u ah calaamadahaas xannuun ka imaanaya Cirridka ilkuhu ka soo dusayaan. Calaamadaahani waxay bilaabmaan qiyaastii 5 beri ka hor inta uusan illiga soo baxayaa soo dhalaalin.
Waa kuwaan calaamado kale marka ilkuhu u soo baxayaan ilmaha:
- Cay ama dharreer badan oo ka soo dareera afka. Caygu markuu jirka gaaro sida wajiga iyo caloosha iyo qoorta wuxuu keena fur-furuurac yar oo maqaarku yeesho.
- Cirridka oo barara oo xannuun yeesha
- Xanaaq iyo oohin badan
- Cunnuga oo bilaaba doonista inuu wax qaniino sida faraha iyo gacmaha iyo boombalooyinka
- Ilmaha oo cuntada diida, maadaama ciridka uu xannuun ka dareemayo
- dhibaato dhinaca hurdada ah.
Qaar ka mid waalidiinta waxay soo tebiyaan in ilmaha marka ilkuhu u soo baxayaan ay yeeshaan shuban yar, qandho yar iyo duuf sanka ka yimaada. Culimada ku takhakhustay caafimaadka carruurta iskuma raacin in ay isku xiran yihiin calaamadahaan iyo ilkaha soo baxayaa. Qaar dhakhaatiirta ka mid ahi waxay aaminsan yihiin in ilmuhu welwelaan inta aysan soo bixin ilkuhu oo ay suuragal tahay in difaaca jirkoodu hoos u dhaco, markaas oo laga yaabo in caabuq kale ugu soo gabado ilkaha soo baxaya oo hawl wata.
Sidee ula tacaalaa ilmaha marka ilkuhu u soo baxayaan?
- Sii ilmaha shay ama caag goobo u samaysan oo uu calaliyo. Caaggaasi waa inuusan noqon wax ilmuhu liqi karo ama wax qurub-qurub u jajabi kara. Inta badan caaggaas waxaa la yiraahdaa Teething ring. Mararka qaar ilmaha waxaa loo dhiibaa maro nadiif oo aan tifqo lahayn.
- Isticmaal fartaada oo nadiif ah oo salaax muddo 2 daqiiqo ah meesha illigu ka soo dusayo.
- Haddii xannuun badan jiro sii daawada xaddi aad u yar oo Paracetamol ah. Ha siin ilmaha daawada Aspirin oo ku keeni karta somoow aad u xun.
- Waxaa jirta Jeel( teething gel) loo isticmaalo in lagu damiyo xannuunka ilkaha soo baxaya. Jeelku waxay ka samaysan tahay daawo kabuubyo ah oo haddii ilmaha xaddi aad u badan oo jeel ah ay gaarto Caggagiga labada hunguri kala qaybiya waxaa timaada in caggagigu kabuubyoodo oo ilmuhu ku saxdo cuntada iyo candhuuftiisa.
- Maqaarka ilmaha dhareeraya ku subki dufanka Vaseline meelaha dhareerku gaaray sida wajiga, luqunta iyo caloosha.