Sunday, October 1
Shadow

Tag: fuuq-celin

FUUQ-BAXA

Calaamadaha
Fuuq-baxa waxaa luuqada caafimaad  lagu yiraahdaa Dehydration oo macnaheedu yahay marka jirka uu ku yaraado dheecaanka ama biyahu. Culayska jirka carruurta waxaa  lagu qiyaasaa in 70% ay yihiin biyaha jirka ku jira. Sida caadiga ah qofka aadamiga ah wuxuu lumiyaa biyaha jirka ku jira marka uu kaadinayo, saxaroonayo iyo marka uu dhididayo. Waxaa kale oo biyaha jirka lagu lumiyaa marka maqaarka jirka biyuhu si uumi-bax ah uga baxaan iyo marka dadku neefsanayaan oo hawada ay raacaan biyo si uumibixid ah jirka uga baxa. Biyaha iyo macdanaha jirka sida dabiiciga ah uga baxa waxay jirka ku soo noqdaan marka dadku cabaan dareere ama cunto cunaan oo ay helaan biyuhii jirku u baahnaa iyo cusbooyinka muhiimka u ah shaqada jirka. Si kastaba ha ahaatee, carruurta yar yar marka ay shubmaan,...

SHUBANKA

Calaamadaha
  Shubanka laatiinka waxaa lagu yiraahdaa Diarrhea oo ka yimid eray Giriig ah oo macnihiisu yahay Dareerid (Dia="flow" iyo -rrhea ="through").  Macnaha waxa weeye waa marka qofku dhigo saxaro jilicsan oo biyo u badan marar badan oo is-xiga.  Shubanka waxaa keena saamayn caabuq ama caabuq la'aan. Sidee baan ku ogaan karaa in cunnugayga uu hayo shuban? Ugu horayn waxaa muhiim ah inaad ogaato xaalada cunnugaaga gaarka u ah. Ilmaha yar-yari aad bay u saxaroodaan - weliba mar walba oo la quudiyo waxaa suuragal ah inay dhigaan saxaro jilicsan - waxaa kaloo taas sii dheer in saxarada jilicsan ee ilmaha yar ku xiran tahay waxa ay hooyadu cuntay iyo haddii ay nuujinaysay.  Haddii cunnugaaga mar mar uu shubmo oo dhigo saxaro jilicsan ma jirto wax laga welwelo,  laakiin ...