BOOG-CALLOOLEEDKA
Boog callooleedka ama gaastariko waa boogo furan oo ku samaysma gidaarada moqorka cuntadu marto ilaa hunguriga madow ilaa mindhicirka yar qaybtiisa hore. Calaamada ugu muhiimsan oo ay nabrahaani dadka ku keenaan waa xannuun badan oo ka imaanaya uurku-jirta.
Boog caloodku waxay u qaybsamaan saddex nooc oo kala ah:
Boog moqoreed ama gastric ulcer oo ku dhaca caloosha cuntada.
Boog hunguriyeed ama Esophageal ulcer oo ku dhacda tuubada ama hunguriga madow oo ay cuntadu sii marto marka ay calloosha u socoto.
Boog mindhicireed ama Duodenal ulcer oo ku dhacda qaybta hore ee mindhicirka yar.
Berigii hore waxaa la sheegi jiray sheeko-bareley dhahaysay in gaastarikada ay keenaan cuntooyin suugo basbaas leh, welwelka iyo hawlaha faraha badan, laakiin waxaa dhawaan...