HURDADA IYO CARRUURTA
Hurdadu waa baahi muhiim ah oo u wanaagsan caafimaadka iyo korriinka ilmaha. Hurdadu waxay kor u qaadaa caqliga, dhiiranaanta, xasuusta iyo maskax-furnaanta ilmaha. Carruurta hesha hurdo ku filan waxay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan helin hurdo ku filan. Sidoo kale, carruurta aan seexan saacado hurdo oo ku filan waxay ka rabshad badan yihiin kuwa waqti waafi ah seexda.
Baahida hurdada iyo carruurta way kala duwanaan karaan qof qof ahaan. Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa shaxda sida caamka ah ilmuhu hurdo u baahan yihiin.
Da’da ilmaha
Saacadaha hurdo ee uu u baahan yahay
0 ilaa 2 bilood
11-18 saacadood
2 Bilood ilaa 12 bilood
14-15 saacadood
1 ilaa 3 sanno jir
12-14 saacadood
3 ilaa 5 sanno jir
11-13 saacadood
5 ilaa 12 sanno jir
10-11 saacadood
...