Autism – Sirgaxan
Cudurkaan afka qalaad lagu yiraahdo Autism waa mid ku cusub Soomaalida ama waxaa laga yaabaa inuu muddo jiray, laakiin aan la xaqiijin jirin. Sidaas awgeed, u malaynmaayo inuu jiray magac-bixin Soomaali ah oo uu leeyahay. Waxaan qiyaasayaa inaan ahay qofkii ugu horeeyay oo qoraal ahaan ku soo gudbiyay. Waxaan Qiyaasay maadaama uusan magac hore Soomaalida u lahayn inaan saaro magac-bixin cusub oo ah Sirgaxan.
Cudurkaan wuxuu ka bilaabmaa cillad xagga maskaxda ah, oo niyuuroonada ama neerfayaasha maskaxdu si khariban ay u samaysmeen markii ilmuhu uurka hooyadiis ku jiray. Wuxuu cudurkaani ilmaha uu halleelo ku keenaa cillad ku timaado xagga dhexgalka bulshada iyo xiriirka dadka. Cudurkaani wuxuu asiibaa halka maskaxda ee laga maamulo khabaaraadka,macaamilka iyo luuqada.
Cuddurk...