Thursday, July 2
Shadow

Tag: sanadguuro

21 Billood jir

Heerarka Korriinka
Wiilkaaga ama gabadhaadu waxaa u soo bidhaamaya xaflada iyo dabaaldega sanad-guuradii labaad ee markii ilmahaagu dhashay. Si kalsooni leh ayuu hadda ilmagaau u socon karaa, u fuuli karaa qalabka guriga yaal sida kuraasta fadhiga. Waxay riixaan oo jiidjiidaan wax kasta oo ay awoodaan sida boombalooyinka, handaraabyada guriga oo ay furaan oo xiraan.  Carruurta da'doodu u dhaxayso 19 billood jir ilaa 21 billood jir waxay bilaabeen mar horaba inay gartaan inay yihiin qof gaara oo xor ah. Waxay carruurtu markay marxaladaan soo gaaraan bilaabaan suuraha oo ah dabeecad xoriyad-doon ah oo ay ku muujinayaan in loo yeelo waxay madaxooda ka damcaan. Waxay carruurta qaar bilaabaan qaylo, oohin badan, inay wax laadaan ama wax qaniinaan haddii aan loo samayn ama la siin waxa ay doonayaan.  Dhibtaan s