Saturday, October 5
Shadow

Tag: Tiibisho

Qaaxada – Tuberculosis

Cuddurada dilaaga ah
Qaaxada ama TBdu waxay ka mid tahay cuddurada dilaaga ah ee ku dhaca carruurta iyo dadka waawaynba. Waxaa TBda keena nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Mycobacterium tuberculosis,  oo weerarta  Sanbabada, kelyaha, lafaha iyo maskaxda. Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, sida ay sheegtay WHO, sannad walba waxaa qaada Qaaxada hal milyan oo carruur ah, kuwaas oo 400,000 oo kamid ahi u geeriyoodaan cuddurka. Inta badan Tbdu waxay ku dhacdaa sanbabada. Cuddurkaan waa cuddur aad u fida oo la is-qaadsiiyo. Wuxuu  fidaa marka qof jiran qufaco ama hindhiso oo uu hawada galiyo jeermigii baakteeriyada ee Qaaxada keenayay. Marka qof caafimaad qaba neefsado hawada ay la socotay baakteeriyada ayaa laga yaabaa inuu qaado cudurka. Cuddurka qaaxadu wuxuu maraa labo heer oo kala ah caabuqa TBda iyo Cuddur...