Tuesday, December 3
Shadow

Tag: tonsilitis

Qumanka – Tonsilitis

Sanka-Cunnaha-Dhegaha
Dhabarka danbe ee hungurigaaga waxaa ku yaal qumankaaga. Labada kubadood ee qumanku waxay ku kala yaalaan labada dhinac ee bidixda iyo midigta. Shaqada qumanka waa inay jirka ka difaacaan jeermiska ka soo gala sanka iyo afka. Mararka qaar qumankii wax difaacayay ayaa jeermigu ka adkaadaa oo laftigoodii ayaa caabuq galaa,  markaas ayay timaadaa quman-barar ama Tonsilitis. Maxaa keena Qumanka? Sidaan horay u sheegnay waxaa keena qumanka marka ay caabuqaan qanjirada qumanku. Inta badan waxaa keena jeermiyada Baakteeriya iyo Fayraska. Noocyada fayrasyada ee keena hargabka ayaa u gudba hunguriga iyo qumanka, sidoo kale Nooca baakteeriyada ee la yiraahdo Group A streptococcus ayaa ah nooca ugu balaaran ee keenta qumanka. Cuddurka qumanka - Tonsilitis  si xun baa la isagu gudbiyaa oo...