Cuddurka Teetanada Soomaalidu waxay u taqaan “Todoba-ma-gaadho”, oo macnaheedu yahay in cuddurkaani dilaa yahay, weliba carruurta yar yar. Teetanada waa jirro khatar ah oo weerarta murqaha iyo neerfayaasha, laakiin laga hortagi karo. Waxay teetanadu dhacdaa marka jirka ay soo gasho nooca baakteeriyada ah ee laga helo carrada iyo saxarada xoolaha ee la yiraahdo Clostridium tetani.
In ku dhaw hal milyan oo carruur ah ayay sannad walba ku galaafataa Teetanadu dunida soo koraysa oo ay Soomaaliya ka midka tahay.
Baakteeriyadaani waxay muddo dheer ku noolaan kartaa carrada iyo meelaha wasaqda ah, ee inta badan ay taalo saxarada xoolaha. Marka qofka ay mudaan ama xagtaan qodxaha ama biraha ay sumaysay baakteeriyadaasi ayay jirka soo gashaa, oo ay weerartaa neerfayaasha iyo murqaha jirka. Ugu horayn marka ay jirka soo gasho ayay sii daysaa barootiin sun ah oo la yiraahdo tetanospasmin oo ku keena murqaha inay togmaan.

Waxaa jira nooc teetano ah oo ku dhaca ilmaha yar yar ee markaa la umulay, taas oo ku timaada marka xuddunta ilmaha yar lagu gooyay bir ama sakiin ama maqas aan nadiif(Sterile) ahayn ama ay ku larantahay baakteeriyada keenta Teetanada.
Maxaa keena Teetanada?
Baakteeriyada keenta teetanada sidaan sheegnay waxay ku nooshahay carrada iyo meelaha ay taalo saxarada xoolaha. Marka ilmuhu yeesho nabar ka yimid gubasho, xayawaan qaniinay, mas qaniinay ama shil gaaray, boogtaasi waxay u nugushahay inay gasho baakteeriyada teetanada keenta.
Sidoo kale, marka ilmaha uu muddo musbaar maaraystay ama qodax waxaa laga yaabaa in musbaarkaas ay baakteeriyadii ku dul noolayd ay gasho jirka.
Teetanada waxaa kale oo laga qaadi karaa marka qofka lagu duro ama lagu dhayo qalab caafimaad oo aan nadiif ahayn.
Calaamamadaha lagu garto Teetanada
Calaamadaha teetanadu si tartiib tartiib ah ayay u soo baxaan iyagoo dib hadba ka xumaada. Marka qofka wax gooyaan, saraan ama mudaan waxay qaadan kartaa maalmo ama bilo inta calaamaduhu ku soo baxayaan. Sida qaalibka ah waxay qaadataa 14 beri in calaamadaha teetanadu soo baxaan marka qofka wax mudaan.
Calaamadaha ugu horeeyaa waxaa ka mid ah:
- Madax-xannuun
- Lafaha daamanka oo is-dhaafa
- wax liqida oo dhib noqota.
- Murqaha qoorta, garbaha oo si joogto ah u togma.
- Marka sunta baakteeriyadu sii korortaba waxaa sii togma murqo kale ilaa la gaaro laf-dhabarta iyo lugaha.
- Haddii tognaanta iyo ururida murquhu sii socdaan waxaa laga yaabaa inay jabiyaan lafta arxaanka(spine).
Daawaynta Teetanada
Ilmaha ay ku dhacdo teetanadu waxay u baahan yihiin in la seexsho isbitaal si loola dagaalamo tognaanta murqaha iyo xannuunka. Waxaa kale oo ilmuhu u baahan karaa in hawo ogsijiin ah sanka laga siiyo. Nabarka ay ka soo gashay baakteeriyadu wuxuu u baahan yahay in la nadiifiyo oo si daawaysan loo dhayo. Daawayn kale waxay ahaan kartaa sidaan hoose:
- Daawo anti-biyootik ah oo disha baakteeriyada Teetanada.
- Tetanus immunoglobulin oo ah barootiin caawiya difaaca jirka si loola diriro baakteeriyada teetanada.
- Daawooyinka debciya murqaha jirka oo joojinaya tognaanta jirka.
Sidee looga hortagaa teetanada
- Carruurta oo loo dhamaystiro talaalkooda. Isbitaalada iyo MCHyada waxaa carruurta la siiyaa talaal isku jira oo la yiraahdo DPT oo ka hortaga cuddurada dilaaga ah ee gawracatada,teetanada iyo qiix-dheerta. Waxaa talaalkaan carruurta la siiyaa 4 jeer inta u dhaxaysa 2 bilood ilaa 2 sanno.
- Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.
- Marka ilmaha ay mudaan ama saraan musbaar ama bir wasakhaysan waxay u baahan yihiin in lagu duro borotiinka Tetanus immunoglobulin oo difaaca jirka xoojinaya.
- Umuluhu waxay u baahan yihiin inay qaataan talaalka teetanada inta aysan umulin. Sidoo kale, marka hooyada la umulinayo waxay u baahan tahay in lagu umuliyo qalab nadiif ah oo aysan xuddunta ilmaha gaarin jeermiyadu.