Oohin, xanaaq iyo iska caabin diidmo xanbaarsani waa calaamado soo kordha marka waalidiintu doonaan inay maca-salaameeyaan carruurta yar yar ee ay da’doodu u dhexayso 8 ilaa 14 billood. Carruurtaasi waxay la yimaadaan cabsi ka timid welwelka kala-tagida (seperation anxeity) marka waalidkood uga tagaan qof kale oo ku sii sima ilmaha inta waalidku maqan yahay. Welwelka kala-taga ee carruurta waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay marxalad caadi ah, lagana gudbo oo heerarka koriinka ee carruurta ka mid ah.
Halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa fahamka saxda ah ee welwelka kala-tagida, waxaan kale oo sharaxaynaa hababka ugu wanaagsan ee lagu dabciyo cabsida carruurta soo wajahda marka waalidiintu ka tagayaan oo ay ama shaqo aadayaan ama suuqaba ka soo adeeganayaan.
Sidee ku dhacdaa welwelka kala-tegida
Bal fiiri ilmo yar oo hooyadiis dhabteeda ku fadhiya oo hooyadu gacanta ku hayso fure ama shay ilmaha xiiso u leh. Ilmaha yar wuxuu haabanayaa inuu qabsado furaha hooyadiis gacanteeda ku jira. Marka furaha ilmaha gacanta loo galiyo, wax yar markuu darso ayuu furaha dhulka ku tuuraa. Dabadeed wuxuu sugaa inta hooyadu furaha dhulka ka soo qabsanayso oo uu haddana kula dhego hooyada oo markale dhulka ku tuuraa.
Hadda ilmuhu wuxuu dareemay in furuhu jiro, laakiin uu qarsoomay ama lumay oo wuu sii jaleecaa bal in mar kale la soo helo furihii. Marka ilmuhu gaaro inta u dhaxaysa 4 ilaa 8 billood wuxuu fahmaa in walxaha iyo dadku jiraan xitaa marka aysan u muuqan.
Carruurtu xilligaan waxay ogaadaan inuu jiro hal aabe iyo hal hooyo, oo marka aadan u muuqan waxay darreemaan inaad gebi ahaanba tagtay ama aadan soo noqonayn.
Weli ilmuhu xilligaan ma baran fikrada waqtiga. Ma oga haddii iyo qadarka waqtiga uu waalidkood kusoo noqonayo. Haddii qolka kugu dhagan aad galayso, ama dukaanka qudaarta aad ka soo adeeganayso ama shaqadii aad aadayso ilmahaagu ma kala jecla oo wuxuu dareemayaa oo kaliya inaad qarsoomayso oo aadan mar danbe soo noqonayn – Waa taas marka ilmuhu loollanka kula galayo inaadan ka tegin.
Xilligaan waa marka waalidiintu dareemaan in dabarka jacaylka ee u dhexeeya iyaga iyo tafiirtoodu uu xooggan yahay.
Cabsida welwelka kala-tegida maahan dhibaato caafimaad oo laga welweli karo ee waa marxalad ilmo kastaa maro. Welwelkaani wuxuu caadiyan dhamaadaa marka ilmuhu gaaro 2 sanno. Carruurta waawayn ee dareema cabsida kala tegista waxay tahay in la baaro waxa keenaya cabsida, waayo waxaa laga yaabaa in carruurtu qofka looga tagay ama iskuulka xannaanada ee la geeyay ay dhib kala kulmaan.
Siyaabaha iyo talooyinka lagula tacaalo welwelka kala-tegida
- Ilmaha yar uga tag qof uu yaqaan sida xubnaha kale ee qoyska sida eedooyinka, habaryaraha iyo ayeeyooyinka ama qof kale oo ehelka ka tirsan.
- Ha ka tagin ilmaha marka uu baahan yahay ama daalan yahay. Tegidaada ku beeg xilliga uu ilmuhu toosay ama uu dheregsan yahay.
- Ku mushquuli ilmaha inta aadan tegin ciyaar ama boonbalo uu jecel yahay
- Si kooban u dheh ilmaha maca-salaamo ama Jaaw kuna qanci inaad soo noqonayso.
- Haddii ilmaha roon roon ay yeeshaan cabsi badan marka waalidku tegayo oo keenta lallabo iyo matag ama ay carruurtu qarowdo ama ay diiddaan inay kaligood seexdaan la xiriir dhaqtarkaaga.