Sunday, May 19
Shadow

QAROWGA ILMAHA

Soomaali ahaan erayga qarowga waxaa lagu macneeyaa riyo naxdin leh oo qofku hurdada kala soo bardado.  Carruurta yar yar qarowgu aad buu ugu badan yahay,  gaar ahaan kuwa jira 3-6 sanno.   Xilligaani waa marka ay carruurtu dareemaan cabsida iyo dunida inay jooggaan waxyaalo khatar galin gara naftooda.
Sidaas awgeed, qarowga ilmaha iyo riyooyinka naxdinta lihi waa qayb ka mid ah korriinka maskaxda,  oo ay tahay in ilmo kastaa maro ee ma ahan cillad maskaxeed ama fulaynimo gaar ku ah ilmaha qarwa.

Maxaa sababa qarowga carruurta

Sababta saxda ah iyo habka uu u dhaco qarowga ama riyada naxdinta leh ilaa hadda lama oga.   Si kastaba ha ahaatee, waxyaalaha ugu badan ee sababi kara qarowga ilmaha waxaa ka mid ah ilmaha oo daalanaa, welwelka, reerka oo ka soo guuray gurigii ay deganaayeen oo meel cusub degay, ku biirida iskuul cusub, cabsi ka timaada qoyska oo burbura ama waalidiinta kelida ahaa oo dib u  guursada lamaane cusub.

Mararka qaar waxaa keeni kara hidde ama dhaxalka waayo ilmaha waalidiintood aadka u qarwi jireen waxay qarowga u gudbin karaan tafiitooda.   Sidoo kale, haddii ilmuhu cabsi la soo wajahdo maalintii sida carruur kale oo ay dagaalameen way qarwi karaan habeenka ku xiga.   Qaar ka mid ah daawooyinka ayaa iyaguna keena qarowga.   Jugta ama dhaawaca soo gaaray ilmaha hadda ka hor isna waa keeni karaa qarowga.

Ilmo daawaday filim ama muuqaal naxdin leh wuxuu aad ugu nugul yahay inuu qarwo xilliga hurdada habeenkaas.

Sidee loola tacaalaa ilmo qarway ama hurdada ku naxay

Waalidiintu kama hortagi karaan inaysan ilmuhu qarwin,  laakiin waxay ilmaha u horseedi karaan helida hurdo nabdoon.

Haddaba xaqiiji in ilmuhu:

  • Helaan hurdo ku filan iyo inay waqtigii loogu talagalay seexdaan
  • Seexdaan gogol ama sariir raaxo leh oo taala meel degenaan ka jirto
  • Aysan daawan filim ama maqlin war naxdin leh ka hor hurdada
  • Haddii ilmuhu qarow la soo boodo dhagayso sheekadooda oo fahan wixii ay ku riyoodeen. Haku qoslin.
  • Bar ilmaha hab uu ku xaliyo riyada naxdinta leh sida inuu geesi noqdo.   Sidoo kale, bar ilmaha in riyada naxdinta lihi aysan dhab ahayn oo ay tahay wax mala-awaalmay hurdada dhexdeedii.
  • Qaar ka mid ah carruurta hurdadu ugama soo dhacdo nalka oo shidan. Faynuusta oo la gaabiyo ama nalka oo mid midab leh lagu badalo way caawisaa ilmaha qarwa inay helaan iftiin yar oo ay weheshaadaan habeenkii.
  • Waxaa ilmaha lagu aqrin karaa aayado quraan ah si loogu xaqiijiyo in la cayrshay wixii uu ku riyooday.
  • Qaar ka mid ah waalidiintu waxay ilmaha ag seexiyaan boombalo uu jecel yahay ama busto uu isku daboolo haddii uu naxo hurdada dhexdeeda. Qaar kale toosh yar ayay ag dhigaan sarriirta ilmaha si ilmuhu u isticaamalo ifinta tooshka qarowga ka dib.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: