Saturday, May 18
Shadow

Kaadi-mareenka

Caabuqa kaadimareenka ee carruurta

Kaadi-mareenka
Inta aanaan sharaxin sida uu ku yimaado caabuqa kaadimareenka ee carruurta waxaan yara iftiiminaynaa qaybaha habdhiska kaadimareenka iyo shaqadooda. Habdhiskaani wuxuu ka mid yahay hannaanka qashin-saarka ee jirkeenu isaga saaro waxyaalaha haraaga ama wasakhda ah sida qashinka, sunta iyo kiimikooyinka khatarta ah ee jirka soo gala. Habdhiskaani wuxuu jirka bannaanka uga saaraa kaadida oo ah qashin ama wasakh laga soo miiray dhiigga oo ay tahay in laga sifeeyo jirka. Qofka aysan shaqaynayn habdhiska kelyuhu ma noolaan karo haddii uusan helin hab kale oo jirka kaadida looga sifeeyo. Habdhiska kaadimareenku wuxuu ka kooban yahay qaybahaan: Labada kelyood(Kidneys): oo shaqadoodu tahay inay dhiigga ka sifeeyaan waxyaalaha wasakhda ama kiimikooyinka ah ee la socda cuntooyyinka la dheefsad...