Sunday, May 19
Shadow

Month: September 2013

Diisantariyo

Dheef-shiidka
Cuddurka diisantariyo waxaa lagu qeexaa shuban ama saxaro jilicsan oo ay la socdaan axal, dhiig, malax iyo callool-maroojis. Dadka Soomaaliyeed cuddurkaan waxay u yaqaanaan magacyo badan oo ay ka mid yihiin Axal-dhiig, shuban-dhiig, xundhur iyo kuwa kale. Diisantariyada waa cuddur ku dhaca mindhicirada oo ay keenaan jeermiyada baakteeriyada iyo baarasaytyada Ameebaha. Cuddurkaan wuxuu ka dilaacaa inta badan wadamada kulaalayaasha ah marka ay timaado inay hoos u dhacdo nadaafada iyo faya-dhawrka guud ee bulshadda. Sidoo kale marka jeermiyada keena diisantariyada ku fidaan cuntada iyo biyaha ayaa cuddurkaani dad badan safmar ah ugu dhacaa. Maxaa sababa diisantariyada Waxaa jira labo nooc oo diisantariyo ah oo ay kala keenaan labada nooc ee jeermiyada ee baakteeriyada iyo baarasaytka. N...

INJIRTA TIMAHA GASHA

Maqaarka
Waalidiin badan ayaa ka qajila haddii ilmahooda madaxyadooda lagu arko in injiri gashay. Laakiin welwel badan in la qaado ma fiicna,  waayo injirtu ma gudbiso cudduro kale oo aan ka ahayn inay ilmaha ku rido cuncun madaxa ah oo laga yaabo in xoqitaanka badani u keeno in madaxu nabro yeesho ama infakshin ku dhaco dhalada ilmaha. Xigmada saxda ah waa markiiba in la daaweeyo ilmaha lagu arko calaamadaha injirta. Injirtu waa cayayaan dul-ku-noole ah oo malko ka dhigta timaha. Waxay injirtu dhuuqdaa oo dheefsataa dhiigga binu-aadamka.  Carruurta jirta 3 ilaa 12 sanno ayay dhacdaa inay ku dhalato timaha madaxooda.  Injirtu waxa kale oo ay gali kartaa dharka ilmaha yar yar.  Inta badan injirtu waxay haleeshaa gabdhaha maadaama gabdhaha inta badan timo dheer ay la baxaan. Meerto nololeed...

HEMOFILIYA

Jirrooyinka Dhaxalka/lagu dhasho
Jugta iyo xagtinka gaarta maqaarka carruurta waa mid caadi ah oo maalin walba carruurta koraysaa la kulmaan. Baaskiil laga dhaco, dhagax lagu dul kufo iyo lugta oo lala waayo banooniga waxay keenaan dhaawac ama dhiig-bax gudaha ah oo soo gaara jirka carruurta. Si kastaba ha ahaatee, carruurta qabta cuddurka hemofiliya(hemophilia) haddii ay ku dhacaan dhaawacyadaasi waxay la imaanayaan walwal in ilmuhu u dhinto dhiig-bax. Hemofiliya waa jirro naadir ah oo ku timaada in dhiiggu xinjiroobi waayo marka dhaawac ama xagtin ay soo gaarto jirka. Waa dhib qofku ka dhiigbax badnaan karo qof aan qabin hemofiliya. Hemofiliya waa cuddur la iska dhaxlo oo waalidiinta qabtaa u gudbiyaan tafiirtooda. Hemofilya inta badan waxay ku dhacdaa wiilasha.  5000-10,000kii wiil ee dhalata dunida hal cunnug a...