
DHAAWACA MADAXA
Carruurtu way ciyaarayaan, way boodboodayaan, way ordayaan. Waxay tijaabinayaan wax kasta ama shay kasta oo ay nolosha kula kulmaan. Markaa waxaa soo gaari kara shilal aysan qiyaasayn. Sidoo kale, waxay isku gaysan karaan dhaawacyo. Meelaha ugu khatarsan oo dhaawacuadu ka soo gaari karaan waxaa ka mid ah madaxa oo jug ama dhaawac ka gaari karo. Halkaan hadda waxaan doonaynaa inaan waalidiinta tusno hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhaawacyada ilmaha madaxa ka soo gaara. Tilmaanta ugu horaysaa waa haddii cunugaaga jug ama dhaawac madaxa ka gaaray ula carar isbitaalka iyo dhaqtarka.
Dhaawacyada madaxa carruurta ka soo gaara waxaa loo kala saaraa labo nooc :
Dhaawac banaanka ah: oo ah dhaawac fudud oo madaxa gaara, inta badan jugtu ma gaarto maskaxda. Waxaa imaa...