Saturday, May 18
Shadow

Month: July 2013

Hal sanno jir

Heerarka Korriinka
Awguuriyo! Hambalyo.... Hambalyo! waxaa la gaaray sannad-guuradii koowaad markii ilmahaagu ku soo biiray dunida. Waa maalin wanaagsan oo xasuus leh. Sannadkii la soo dhaafay waxaad soo martay heerar kala duwan adiga iyo ilmahaaguba,  waayo cunnugii yaraa ee kiilooyinka ahaa maanta waa qof isku filan oo sii koraya. Ilmahaaga hal sanno jirka gaaray hadda wuxuu awoodaa inuu kaligiis istaagi karo ama uu qaadayba tilaabooyinkii ugu horeeyay ee socodkiisa. Xilligaan wuxuu astaahilaa inaad diyaarsato kaameradaada fiidiyoowga ama sawirka oo aad duubto tilaabooyinka ugu horeeya ee socodkiisa taariikhiga ah. Dhinaca hurdada ilmaha hal sanno jir gaaray waxay seexdaan inta badan habeenkii waloow ay u baahan yihiin hurdada casarkii oo ay yara hurdo qac ka siiyaan. Waxay u muuqataa inay meesha ka ...

11 Billood jir

Heerarka Korriinka
Hadda ilmahaagu wuxuu soo gaaray 11 billood jir. Waxaa kuu soo carfaysa damaashaadkii sannad-guuradii koowaad ee dhalashada ilmahaaga oo ay kaaga harsan tahay hal bil oo kaliya. Waxaan shaki ku jirin xilligaan inaad mashquulsan tahay oo aad ilmaha socod-baradka ah ka celcelinayso inuu dhib ama khatar la kulmo inta uu durdurinayo ama sida xawliga ah u guurguuranayo guriga dhexdiisa. 11 Bilood jirku xilligaan wuxuu cuskanayaa derbiyada ama qalabka guriga yaal. Waxay mararka qaarkood qaadayaan tillaabooyin taxadar leh oo socosho ah. Haddii la daadaheeyo waxay ilmahu socon karaan cabaar. Qaar ka mid ka mid ah carruurtu waxay tijaabinayaan inay ama faraha foodooda ku istaagaan amaba hal lug ku istaagi karaan. Da'daan carruurtu waa kuwo dunidu u cusub tahay oo qaxar-doon ah,  waayo wax...

10 billood jir

Heerarka Korriinka
Carruurta jirsata 10ka billood ee cimrigooda way hadaaqayaan, guurguurnayaan, mararka qaar waxay isku dayayaan inay istaagaan iyagoo cuskanaya miis ama derbiga. Marka ay hadaaqayaan waxay isticmaalayaan erayo badan oo intooda badan waalidiintu fahmi karin. Markaan ilmuhu waxay istaahilaan in lala sheekaysto si awoodooda luuqadeed u korto.   Ilmuhu xilligaan dhaqdhaqaaqoodu waa mid xawli ku socda oo xitaa waxay isku dayaan inay socdaan iyagoo derbiga cuskanaya. Carruurta la daadihiyaa waxay awoodaan inay socod tilaabooyin ah qaadaan. Waalidiinta oo gacanta haya ilmaha ayaa ilmuhu isku dayaa inay foorarsadaan si ay u soo qabsadaan boombalo dhulka taal.  Saacadihii mucjisada ahaa ee aad ilmaha oo kaligood soconaya aad arki lahayd waxaa kaa xigta labo billood oo kaliya. Bisha tobnaad ilm...

Gubashada iyo carruurta

Maqaarka
Carruurtu dabiiciyan waa kuwo khabaar-doon ah,  oo sahaminaya wax kasta oo indhahooda ku dhaca. Doonista khabaardoonka ah waa mid dabiici ah oo binu-aadamka oo dhan dabeecad u ah,  ee kuma koobna carruurta oo kaliya. Shay kasta oo gacantoodu gaarto waxay jecelyihiin inay laacaan oo ka wardoonaan. Taas ayaa keenta in carruurtu xitaa dab qaxmaya ay gacmaha gashadaan.  Waalidiinta waxaa looga baahan yahay taxadar dheeraad ah isla marka ilmahoodu gaaraan inay dhaqaaqaan. Gubashada carruurtu waa shilalka ugu badan ee carruurta soo gaara xilliga carruurnimada,  oo ay muhiim tahay in la ilaaliyo maqaarka ilmaha oo aad ugu nugul waxyeelada ay gubashadu keento. Qaar ka mid ah gubashooyinku waa kuwa khatartooda yar tahay oo guryaha lagu maarayn karo, qaarna waa gubasho baaxad leh oo ay tahay in ...

9 BILLOOD JIR

Heerarka Korriinka
Bisha sagaalaad ilmaha jira waxay noqdaan kuwo khabiiro ku noqda guurguurashada. Hadda ilmuhu waa kuwo dhaqaaqaya, hadaaqaya, sahaminaya oo haddana qaxar-raadis ah. Guurguurashada qaar ilmaha ka mid ahi hadda waxay awoodaan inay boombalo hal gacan ku qabsadaan iyagoo si xawli ah ku guurguuranaya oo isticmaalaya labada loow iyo gacanta kale. Sagaal billood jirku waxay khabiiro ku noqdaan is-rogrogida  jirka ee degdega ah sida horay u guurguurashada, dib u fariisiga iyo is-wareejinta. Waxay awoodaan ilmuhu xilligaan inay derbiyada qabsadaan oo iyagoo derbiga cuskanaya ay socodka isku dayaan. Waalidiin badan baa xilligaan u hanqal taaga inay ilmaha kabo u galiyaan. Xilligaan ilmuhu weli socod ma baran,  laakiin waxay isku dayayaan inay bartaan socodka. Waxaa fiican in carruurta aan kabo l...