Sunday, May 19
Shadow

Lafaha – Murqaha – Xubnaha

Lafo-Khafiif – Rickets

Lafaha - Murqaha - Xubnaha
Cuddurka lafo-khafiifka ama laatiinka lagu yiraahdo Rickets waa cuddur ku dhaca lafaha carruurta oo ka dhiga lafaha khafiif horseeda inay jilcaan,  oo ay qalloocsamaan ama qaabdarro ku dhacdo.  Cuddurkaani wuxuu yimaadaa marka jirka ilmaha ay ku yaraadaan Fitamiin D iyo macdahaha  kaalsiyamta(calcium) iyo Fosfaytka(phosphate).  Macdanahaan iyo Fitamiin D waxaa laga helaa cuntooyinka ukunta, kalluunka, loowska, subaga  iyo caanaha.  Fitamiin D wuxuu jirka ka caawiyaa in la dheefsado macdaha lafaha laga sameeyo  ee Kaalsiyum iyo Phosfayt. Marka ay timaado nafaqo-darro iyo shuban ama matag muddo dheer socda,  waxaa jirka ku yaraada macdanahaas muhiimka u ah dhismaha lafaha carruurta koraysa.  Fitamiin D waxaa si dabiici ah loogu sameeyaa  maqaarka ama oogada jirka. Marka falaaraha qoraxdu ...